Cali Banfas

Ka Wikipedia

Abwaan Cali Xasan Adan oo ku magacdheer "Cali Banfas" waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa Sanadkii 1948kii. waxa uu tacliintiisa Hoose ilaa sare ku dhamaystey magaalada Hargeysa. Isagoo tacliinta Waxbarista ku dhameystey Kuliyaddii Lafoole sanadku markuu ahaa 1970kii. Waxaa uu mudodheer kusoo shaqeeyey barre/macalin. Cali Xasan waxa uu bilowgii 80kii ilaa dhamaadkii sideetamaadka ku qaatay noloshiisa xabsi uu ku mutaystey la gabasho la'aantiisii halgankii uu kaga horyimad Taliskii Siyaad Barre iyo sidii uu ula waaban waayey kamid ahaanshihiisa halgamayaashii SNM, taasi oo uu ku mutaystay xabsi adag.

Waxaa lagu xussuustaa sidii dhiiranaeyd ee uu MAXKAMADDII BADBAADADA oo lagu qaadayey kiiskiisa uu uga hor tiriyey isla gabaygii lagu soo eedeeyey, taasoo ahayd waxaan hore u dhicin dibna u dhicin, Isaga oo tiriyay gabay uu kaga soo horjeedo kacaankii faashhilka ahaa ee Afwayne yaa Maxkamada looga yeedhay oo la yidhi gabaygaa ma adigaa tiriyay wuxuu yidhi haa kaasi wuu ku dhaafaye kan kale dhagayso(akhri/dhageyso gabayada KUDKUDE, DUUFAAN, ONKOD IYO SAADAAL. kuwaasoo kamid ahaa kuwii ugu cuslaa dhinaca halganka lagu mijo xaabiyey taliskii Siyaad Barre....'

Dardaaran – Gabay Cali Xasan Aadan [Banfas] Gabaygan magaciisa waxa la yidhaahdaa Dardaaran. Wuxuu Abwaanku gabaygan curiyay habeenkii caanka ahaa, ee qaaradaha aduunka ay ka diiwaan gashay dhaqdhaqaaqa ururka Somalilyeed SNM taarriikhdiisu. Waa habeenkii uu qarxay dagaalkii 27 May 1988 kii, ee Hargeysa iyo Burcoba ay isku soo shubeen sooma-jeestayaasha SNM iyagoo oodahoodii sita. Waa habeenkii faraxada iyo naxdintaba lahaa. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa falalkii wax ku oolka ahaa, ee is-dabajooga ahaa, ee SNM ku naafaysay taliskii Faqashta ahaa ee Afweyne. Waxa kalooyburisay SNM, markii siyaasadda cadawnimada ah, ee nacasnimada ah, ee wadan nacaybka ah uu kula saxeexday Mangeste inaan dal loo haystaa aanu jirin si SNM loogu soo celiyo, loogana soo mistaafiriyo dalka Itobiya dabadana looga soo eryo. Afweyne wuxuu iska dhaadhiciyay inay Siyaasaddaasi u suurta galayso, tiina SNM ayaa burisay. Gabaygu wuxuu ku bilaabmay sidan: Heshiiskuu daraaday u galay daalinka Afweyne Shaxduu dagay midbaa loo dagaye mala-daraantiisa Doqonkii Ogaadeen ku waa dagaladiisiiye Itoobiya dal uma haysaniyo saynka lagu duugay

Inuu yahay dalaal buu u qiray duulaankii shalaye Xabashigu dantiisuu arkaye tayda muu dayne Anigaba durkii laygu waday daabacay is rogaye Hadaydaan daf soo odhan habeen idinka oo duuban

Si kaloon ku doona xornimo nama dawayseene Dab wixii onkaday iyo wixii danab is dhaafaayay Dushiinaanu so halabsanay iyo doonti Nabi Nuuxe Haday maalintii nala dagto on ruux Duriyad sheegan

Duligaan ku noolayn marnaba kama daraateene Daaraha burburay ee madfaca lagu duqaynaayay Dahab iyo damaar iyo intii duunyo lagu waayay Intii diric shaheediyo intii danab ku naafowday

Inta caydh u soo dibad baxdee een daxandaxoonaynin Dir-xunkaad dhamayseen ayaan kaga dawoobaaye Nimankii lahaa duub-casta iyo yayda daba joogta Nimankii daluumaha xabsiga iilka nagu diiqay

Nimankii dibnaha eegayeehadalka noo diiday Nimankii dubkoodi gubnaa aragu diidaayay Daymadooda nimankii indhaha dab iga leefaayay Halkaan dabada saaraba kuwii igu dul-meeraayay

Magacyada dugaaga ah kuwii darajo moodaayay Dabar-goynti baan nahay kuwii marinka loo daayay Nimankii dadkay soo xidhaan kiish la daba qaado Madax-furasho lagu doonayee duunka ka colownay

Nimankii dukaamada liqee rag uga duuduubtay Dagaagaan lahayn xeer gobeed ninaad u dayn raacdo Nimankii duqayn jirayguryaha daakirkiyo laylka Duqay iyo caruur iyo kuwaan dumarka dhaafaynin

Diricyada haweenkiyo kolay dahabka goostaanba Nimankii hablaha tay damcaan duhurka xoogaayay Duligaan lahayn dhaqanka iyo diin uu kaga waabto Maydkooda oo daadsan baan so dul-joogsadaye

Ilkihii Dameeraha Bakhtiyay Daanka Faqatiira Kuwii Go'ay Daraad Iyo Shalay Dakharki Loo Gaystay Gunnimado Raggay Damaqdaybaa Noo Dagaalamaye Xaqa Lama Daboolee Waxaan Kuugu Dabashaaray

Degma-laqus siday ugu dhacdiyo labbadi doofaarba Ee guul-wadihii loogu daray waan ku diirsadaye Dubaaxdooda meeshaan dhignay ee dhiigo kaga daatay Daruur curatay waa kow wixii da'ay mahiigaane

Xamarbuu dayaankii ku dhacay danab kiciisiiye Daalinkii tubtii buu maruu sii dabayshadayee' Alla haydin daayee xoriyad lagu damaashaado lixdankii mar baan daawannoo calanku waa deege

Kii hore daruur buu ahaa kanina waa dooge' Dalku uu idiin baahanyahay waana kaa dihine Dadaal waxaydun kula soo baxdoo idinku deeqaaye Siday diintu xeer noogu tahay dhaqan aan duugoobin

Dimuqraadi loo siman yihiyo daacad ku hogaansha Dadka waa la naanaabiyee dawga ku hagaaja Milatari baa nasoo daashadee dib uga faalooda Nin kuu digay kumuu dilin sidaa qaba dareenkeeda

Damal aan la jarin baan ahee daysta midhihiina Dan qudhaynu wad leenehee daaf u wada jeeda Dabku yii iga seexanine dogobyo weyn saara Daroorimad waan necebehee daadka iga moosa

Daldaloola badan baa jiree daah isaga yeella Dadnimadu hiday noo tahay dariska nooleeya Qoladii wax daandaansatana daafac ku lahaada Dacar iyo inaad malab tihiin dunida gaadhsiiya

Ninba doobiguu kuu shubay kiisa ugu deeqa Dambiyada kuwaan sii ridnayn kala dambayntiina Damac iyo colaad bay is huwane isugu dulqaad yeesha Daryeelkeeda Somali weyn duuga loo simane

Nin walbaa dagmoo leeyahaye daaqsintiyo ceelka Hadba kaa dan wada leedihiin daabka wada goosta Siyaasaddaha layguma dagee daakhiliyo khaarij Distoorkiina xaashida ku dhiga qalin aan duugoobin