Jump to content

Camaara

Ka Wikipedia

Camaara waa magaalo hoos tagta Xarardheere, markii loo eego degmooyinkii dowladdii dhexe magacawday. Hayeeshee xukuumaddii Shiiq Shariif ayaa 2012 u magacaabay degmo. si rasmi ah laakiin uma hir galin degmanimadeedu.

Waa degmo taariikh fog oo la aasaasay sanadkii 1948. Magaalada markii ugu horraysay waxaa iskuul laga aasaasay 1978. Burbur ku yimid aawadiis waxaa mar kale dib loo aasaasay 1999 mar kale ayuuna burburay 2004 nasiib wanaagse mar seddexaad ayaa 2008 dib loo furay ilaa haddana waa shaqeeyaa isaga oo ilaa dugsi sare leh.

dadkii asaasaay ee ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa Xaaji Cumar Sh.Cabdullaahi oo adeer u ah nin ka mid noqday macallimiintii wax ka dhigay macallimiintii ugu horreeyay markii dib loo furay iskuul Camaara ee Hay'adda JASPO maalgelin jiray Axmed Yuusuf Sh.Cabdullaahi (Goojaar). Macallimiintii iskuulka Camaara wax ka dhigi jiray 1999 ilaa 2004 waxa ay i badnaayeen ardaydii wax barashada ka billaabay 1978 oo ka dib meelo kale ku soo dhammaystay wax barashadooda. waxaa ka mid ahaa barayaashii wax ka dhigi jiray: 1. Axmed Yuusuf Sh. Cabdullaahi (Goojaar) 2. Maxamed Axmed Warsame (Iley) 3. Yuusuf Salaad Muxumed (Shiiq Yuusuf) iyo kuwo kale oo aad u wanaagsanaa.

abwaannada degmadaan Camaara ka soo jeeda waxaa ka mid ah oo ugu da' wayn inta la hayo hadda Shiiq Yuusuf Salaad Muxumed oo ah gudoomiyaha degmada Camaara muddo dheer. sidoo kale waxa jiray dhallin yaro yaryar oo uu ka mid yahay Abwaan Camaari iyo Abwaan Shiine oo sidoo kale qoraa ah.