Cherif Mohamed Aly Aidara

Ka Wikipedia
Cherif Mohamed Aly Aidara

Cherif Mohamed Aly Aidara waa Senegalese-Mauritanian Wadaad Shiici ah oo lagu yaqaano shaqadiisa uu ka qabtay international development ee Galbeedka Afrika (West Africa). Waxaa loo aqoonsanyahay wadaadka Shiiciga ugu weyn ee dalka Senegal iyo Galbeedka Afrika.[1]

Qoyskiisa iyo noloshiisa hore[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa iska dhalay waalidiin Mauritanian iyo Fulani kala ah, Cherif Mohamed Aly Aidara wuxuu dhashay sanadii 1959 oo kudhashay Darou Hidjiratou, tuuolada Bonconto Commune, Kolda Region, galbeedka Senegal oo uu aabiisa aas aasay. Aabahiisa waa Cherif Al-Hassane Aidara, nin Mauritanian ah oo kasoo jeeda bahda Al Lakhal ee qabiilka Laghlal ee Mauritania kaasoo ku abtirsada Cherif Moulaye Idriss ee katirsanaa Idrisid dynasty, hooyadiisana waa Maimouna Diao, naag Senegalese Peul (Fulani) ah oo kasoo jeedo qabiilka Diao.[2] Maadaama uu yahay sharif Senegalese, Aidara wuxuu sheegtaa inuu toos uga soo jeedo Nabi Muhammad (fiiri silsila).[3]

Kadib markuu dhameeyay waxbarasho dhaqameedka ee dalka Senegal, oo inta ugu badnayd aabahiisa bare ka ahaa, Aidara wuxuu waxbarashadiisa kasii watay Alliance française oo kutaala Paris, France. Wuxuu si fiican uyaqaanaa Af Carabi, Ingiriis, Fransiis, Pulaar (Fulfulde), iyo Wolof.[4]

Walaalkiisa Cherif Habib Aidara waa madaxa Bonconto Commune.[5][6]

Shaqo[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sanadii 2000, Cherif Mohamed Aly Aidara wuxuu aas aasay hay’ada Mozdahir International Institute ee dalka Senegal.[7] Aidara wuxuu diiradda saaray waxbarashada iyo horumarka, sida maamulida mashruucyada horumarinta bulshada, horumarinta isticmaalka Islamic microfinance,[8] iyo dallacsiinta Muslinimada Shiicada ee dalka Senegal.[9]

Wuxuu dhisay uuna balaariyay qoomiyada Mozdahir guud ahaan dalka Senegalese magaaaloyinka sida Dakar, Dahra Djoloff, Kolda, Ziguinchor, Saloum, and Vélingara. Sidoo kale wuxuu aas aasay bulsho tuuleedda Mozdahir ee Nadjaf Al Achraf iyo ka caawiyay inuu kobciyo tuuloyinka Teyel iyo Foulamori, oo uu kadhisay dugsiyo iyo misaajido mid waliba.[10]

Aidara wuxuu hagaa idaaacada raadiyaha Radio Mozdahir FM ee Dakar, iyo idaacada raadiyaha Radio Zahra FM ee Kolda (fiiri sidoo kale list of radio stations in Senegal).[4]

Waxqabad[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Buugaagta ee Fransiiska:[4]

  • Les Vérités de La Succession du Prophète
  • Sayyidda Zaynab (pslf) l’héroïne de Karbala
  • La prière du Prophète Mouhammad (pslf) selon les membres de sa famille
  • Ghadir Khoum : Qui relate l’évènement de Ghadir et le fameux discours du prophète (pslf) ce jour-là.
  • Achoura jour de deuil ou jour de fête ?
  • Principes de la finance islamique

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Leichtman, Mara A. and Mamadou Diouf. (2009). New Perspectives on Islam in Senegal: Conversion, Migration, Wealth, Power and Femininity. New York: Palgrave Macmillan.
  2. Qui est Cherif Mohamed Aly Aidara.
  3. Leichtman, Mara A. (2015). Shi‘i Cosmopolitanisms in Africa: Lebanese Migration and Religious Conversion in Senegal Archived Diseembar 15, 2019 // Wayback Machine. Bloomington: Indiana University Press, Public Cultures of the Middle East and North Africa series.
  4. 4.0 4.1 4.2 Portrait de Cherif Mohamad Aly Aïdara Archived Diseembar 5, 2019 // Wayback Machine. Institut International Mozdahir.
  5. Présentation de Chérif Habib AÏDARA.
  6. |title=SORTIE DU MAIRE DE BONKONTOU : Les précisions de Chérif Habibou Aïdara Archived Febraayo 21, 2020 // Wayback Machine.
  7. Diop, Macoumba (2013). L'introduction du chiisme au Sénégal. In Histoire, monde et cultures religieuses 2013/4 (n° 28), pages 63-77.
  8. Finance Islamique : « C'est un moyen de lutte contre la pauvreté » (Chérif Mohamed Aly Aïdara, Président de l'Institut Mozdahir International) Archived Febraayo 1, 2020 // Wayback Machine. Politique221.
  9. Sénégal : 127 jeunes de Vélingara s'informent sur l'islam chiite. Shafaqna.
  10. Leichtman, Mara A. (2017). The NGO-ization of Shi'i Islam in Senegal: Bridging the Urban-Rural Divide. ECAS7: 7th European Conference on African Studies. Basel, 29 June - 1 July 2017.