Cumar Ugaas
Cumar Ugaas waxa uu ahaa ugaas si weyn looga yaqaan taariikhda beesha Ogaden, loona tixgeliyo inuu ahaa ugaaskii ugu awoodda badnaa ee soo mara beesha Ogaden, ahaana Ugaaskii u talin jiray Saldanadii awooda badnayd ee Maalinguur la magac baxday taaso ay utalin jireen besha re Ugaas samatar fooljeex. Hoggaankiisa waxaa lagu xusuustaa saamayntiisii weynayd, aragti fog, iyo dhaxal taariikheed oo ku salaysan mideynta iyo hogaaminta beesha Ogaden xilli muhiim ah.
Taariikhda Cumar Ugaas waxaa lagu diiwaangeliyey Buugaag badan oo caan ah oo ka hadla taariikhda Geeska Afrika iyo Soomaalida. Mid ka mid ah buugaagtaas waa *The Unknown Horn of Africa*, oo ah buug si qoto dheer u qaadaa-dhigaya taariikhda Geeska Afrika iyo hogaamiyeyaashii saamaynta lahaa. Sidoo kale, qoraaga caanka ah ee Faransiiska, Arthur Rimbaud, oo caan ku ahaa safarradiisii iyo qoraalladiisii taariikhiga ahaa, ayaa Cumar Ugaas ku soo qaaday qoraalladiisa. Rimbaud waxa uu qoraaladiisa ku soo bandhigayaa xaaladda siyaasadeed iyo bulshada ee waqtigii uu Cumar Ugaas hoggaaminayay beesha Ogaden.
Sidoo kale, buugga *Les Comalis*, oo ka warrama dhinacyada taariikhiga ah iyo dhaqanka bulshada Soomaalida, ayaa isna ka mid ah buugaagta si gaar ah uga faallooda doorka Cumar Ugaas iyo sida uu beesha ugu hoggaaminayey caqli iyo karti. Buuggan iyo buugaag kale oo badan waxay muujinayaan in Cumar Ugaas uu ahaa hogaamiye mideeyey beeshiisa, xoojiyey xiriirka gudaha, isla markaana difaacay dhulka iyo danta beesha Ogaden.
Cumar Ugaas waxa uu dhaxal uga tagay sumcad iyo sharaf la xusuusto, isagoo ahaa hoggaamiyihii ugu awoodda badnaa ee abid soo mara beesha Ogaden. Dhaxalkiisa iyo kartidiisa hogaamineed ayaa weli ka dhex muuqda taariikhda beesha iyo guud ahaan bulshada Soomaalida.