Daarood Ku Xaar

Ka Wikipedia

Silsilada la magac baxday Daarood ku xaar ee ka dhacday duleedka Gaashaamo xilli ku aaddan 1943, waxa ay dhex martey Qabilada 1.Habar Yoonis (Gaar ahaan Reer Caynaashe iyo Cali siciid) iyo Ogaadeen (Reer isaaq) iyo Majeerteen (Reer biciidyahan) iyo Geri koombe ( Reer maxamuud) oo Talyaanigu hub siiyay. Geeli Habar Yoonis oo banka daaqaya ayay dareersadeen xili fiid ah amaba qoraxdu sii dhacaysay markaa Habar Yoonis kama ay daba tagin. Daarood habeenki oo dhan ayay iska haysteen oo maasheen geele oo caanihiisa ka dhergeen. Aroortii ayay nimanki Habar Yoonis weerareen kadib waa la eryadey Daaroodka Ileen caano geel ayay ka dhargeene markii ay cararaaanba ee waranku iyo xabadu ku dhacdo ayaa xaar kasoo daata. Jabka Daarood kasoo gaadhay dagaalkaa iyo calool socodka ku dhacay ayaa sababtay in goobtu ka dhacay dagaalka loo bixiyo Daarood ku Xaar

Cilmi Liig (Habar Yoonis)

Annagoo Dannood iyo fadhina, dacalladii Heeryo

Iyadooy dukaanleey u taal, duudda Habar Yoonis

Iyadoo shir lama dayn karee, damallo loo waabay

Iyadooy dablaydii korjoog, debedda meereyso

Iyaduu dalaysane ratigu, doobta karinaayo

Na soo doonte nimankii qalbigu, doorsanaan jiraye

Intay weerar nagu daadiyeen, daafad loo eriye

Dumarkuna ka dhereg Uustarkay, dib u qubaayeene

Doomaar ka dheer Shiciradday, dir u lahaayeene

Daba jilicdu waatay wax badan, diidday nabaddiiye

Daarood-ku-xaar bay lafii, daadsanyiin weliye.

Darod-ku-xaar

Maxamed Aadan Caws “Yawle”, HY

Gabaygan wuxuu ka mid ahaa silsiladdii Daarood-ku-xaar.

Toorrida kuwii lala dhiciyo teerigii waranka

Kuwii shiihska lagu taagayee jaaha laga toogtay

Tusbax go’ay sidiisii kuwii tarabka loo laayey

Tafaariiqda nimankii guryaha lagu tadcaaraayey

Toddobaatan iyo dhawr kalaan teella loo dhigane

Waa tii ay tasoobeen sidii tiradi xoolaaye

Tumbushooda waatii la dhigay teedki Gumarroode

Daaroodka lagu taamayaa tacaddi weeyaane

Toddobaatan Geeliyo ninkii tira laxaad dhiibey

oo midab Tiriigleey arkoo tahan ku faallooday

Oo Guga aroos loo turqiyo tanafas eegaayey

oo xaajadiisii tognayd wiil ka kala tuuray

Oo gabayga loo tirinayaa tacaddi weeyaane

Quruumaha tartamayee u kacay tab iyo leexleexa

Nin waliba wixii uu tabcaday taw la soo yidhiye

Tumaal buu ahaa Muuse Dhiil taajna loo xidhaye

Waatay dhammaan taabaceen tala-xumaaliiye

Talyaaniga Triipoli haddii maalin laga taabay

Tagoogada waxaa looga xidhay tacaddi weeyaane

Tanac-tanacdu waa inan-gumeed tamaradiisiiye

Tol haddii u lee yahay waxbay tari lahaayeene

Marna haddanu dhawr tooganayn tookha haw miyine?

Tiiraanyadiisa ha qabo ee ha u tiraabina’e

Hana toosin waa gama’sanyay tuugga Habarwaaye

Maxamed Kaahin Feedhoole, (HY)

Gabaygani wuxu ka mid yahay silsiladda la magac baxday “Daarood ku Xaar”.

Wuxu yidhi Maxamed Alla naxariistii janno ha siiyee;

Gugoo hooray geeloo dhaloo gubadadaa jooga

Degmada Gundheereiyo fadhida gumucyadii Heeryo

Iyadoo gudguda roob, halkii godanba uu buuxshay

Gidiigeedba Habar Yoonisoo gaafka wada joogta

Guutooyin idil beeshayada galiye Daaroode

Ku ga’leedhe siday doonayaan, guri dagoodiiye

Goodeey raggii maali jiray gurayey dhowr qaadye

Waa niman ilaahay ku gubay gaajo iyo oone

Iyadoo Guhaaday, afkii lagu gujaynaayo

Gabagabaha meeshii la dhigay la isku soo gaadhye

Gadhka layska saar keenadaan lala gabboonayne

Gildhigaan intii loo rakibay gaag yar laga reebye

Goonyaha ka kace waa qabiil go’aya maantaase

Gal xareeda dhiigii la mood galay jidhaamaaye

Geerida xaq weeye ninkii go’ayna loo aarye

Habar Yoonis geeleedu noqoy garay dhunkaaleede

Waatii Biciidyahan ku go’ay Gumare maantiiye

Car ha galo Galaadi iyo Hawd kor uga sii guurye