Dayax Dalnuurshe
| Dayax Dalnuurshe | |
|---|---|
| Ku dhashay | Daahir Maxamed Muuse August 19, 1996 Muqdisho |
| Naanees | King of The City Nuurka Dalka |
| Shaqada | Fannaan iyo jilaa |
| Xaasaska | Farxia "The Boss Lady" |
| Ilmaha | 1 |
Daahir Maxamed Muuse (wuxuu dhashay August 19, 1996) oo loo yaqaan Dayax Dalnuurshe, waa fannaan iyo jilaa Soomaaliyeed. Fanaanka Soomaaliyeed ee ugu caansan magaalada Muqdisho, waxaana inta badan lagu naaneysaa "King of The City" iyo "Nuurka Dalka".
Shaqo
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxa uu soo saaray heestiisii u horaysay ee "Muqdisho" bishii Maajo ee sanadkii 2015-kii, waxa uu si degdeg ah u caan baxay, waxaanu noqday fanaanka ugu caansan magaalada Muqdisho, muuqaaladiisa TikTok waxa ay leeyihiin in ka badan 185 milyan like, waana fannaanka ugu caansan ee Soomaalida barta Instagram-ka. [1]
Waa aasaasihii MORLA oo ku taal Muqdisho. Bishii Febraayo 2025, wuxuu ku guuleystay Somali Social Media Awards. Bishii April 2025 waxa uu ka qayb galay East Africa Somali Awards oo uu ku guulaystay abaalmarin.[1]
Jilaa
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dayax Dalnuurshe ayaa sanadkii 2025-kii kasoo muuqday taxanahaShabakadda.
Abaalmarinada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dayax Dalnuurshe waxa uu ku guulaystay abaalmarino badan oo ay ka mid yihiin Somali Night Awards, Somali Social Media Awards, Muqdisho Awards iyo East Africa Somali Awards.[1]
Nolosha shaqsiyeed
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dayax Dalnuurshe waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho. Waxa uu guursaday Farxia "The Boss Lady" tan iyo 2014 ilaa dhimashadeeda ee 2025.[2] Waxa uu leeyahay hal gabadh.