Deefow
Degmada Deefow: Taariikh, Deegaan iyo Asal-magaceed
Degmada Deefow waa degmo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana si rasmi ah degmo loo aqoonsaday sannadkii 1984. Degmadan waxay caan ku tahay wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha nool, taas oo ka dhigaysa meel muhiim u ah nolol-dhaqameedka iyo dhaqaalaha bulshada ku dhaqan.
Deegaanka Degmada Deefow waxaa dago beesha fiqimuxumed oo ah beel caan ku ah fididnta diinta islaamka
Degmada Deefow waxaa mara ama ku taalla buundo taariikhi ah oo loo yaqaan Buundada Liiq-Liiqato, taas oo uu dhisay gumeystihii Talyaaniga. Buundadan ayaa astaan u ah kaabeyaashii gumeysiga, waxaana sidoo kale degmada ku yaallay saldhig ay ku lahayd Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya xilligii barisamaadka.
Dhanka degsiimada iyo kala-qaybsanaanta gudaha, Degmada Deefow waxay u qaybsantaa laba qaybood oo waaweyn:
Deefow Bari, oo ka kooban laba xaafadood:
Bartamaha
Bacaad
Deefow Qorraxsin, oo isaguna ka kooban laba xaafadood:
Dhagran
Deefow Galbeed
Ugu dambayn, Degmada Deefow magaceedu hore uma ahayn kan ay maanta wadato. Magacii hore ee deegaanka waxaa la oran jiray “Dhaaifa”. Magaca “Deefow” waxaa bixiyay hoggaamiye ka tirsanaa gumeystihii Talyaaniga, kaddib markii uu ku adkaaday ku dhawaaqidda magaca “Dhaaifa”, sidaas awgeedna uu u baddalay “Deefow”. Sidaa darteed, magaca maanta la isticmaalo ma aha magacii saxda ahaa ee asal ahaan deegaanka loogu yiqiin, balse waa magac ka dhashay duruufo gumeysi.