Dekada Hobyo

Ka Wikipedia

Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, waa magaalo facweyn oo taariikhda ku gashay ahaan shaha meelihii ugu horeeyey ee magaaloobey Soomaaliya Magaalada waxa ay leedahay deked dabiici ah oo ka mid ah dekadihii ugu horeeyey oo ay ka abuurantay ilbaxnimada iyo xiriirka lala leeyahay adduunka intiisa kale. Dekada Hobyo oo shaqaynaysay muddo ka badan hal qarni ayaa hawlgab noqotey labaatankii sano ee lasoo dhaafay ka hor intii aysan dib u furmin muddo bilo hadda laga joogo. Illaa afar doonyood ayaa kusoo xiratay dekada Hobyo tan iyo intii ay dib u furantay, kuwaasi oo dajiyey shixnado kala duwan oo badeecooyin ah sida shidaal, sigaar iyo bagaash. Dhawaan ayaan booqdey degakada Hobyo si aan wax badan oga ogaano dib u hawlgalkeeda iyo rajada laga qabo in mamulka Galmudug uu yeelin doono dekad ;, Hobyana ay tahay meelaha maanka lagu hayo. Mas’uuliyiintii oo la hadlay warbahinta Galmudugmedia.com ayaa wax codsi , jeediyeynaa mamulka galmudug ee dhawaan lagu doortay magalada cadaado waxayn ka codsadeen in dekada gobolada dhexe laga dhigo Hobyo waxaa ka mid ah Guddoomiyaha arrimaha bulshada Hobyo Cabdirisaaq Maxamed Ducaale (Codweyne), Guddoomiyaha tuulada Xiin Dawaco Cabdigaab, Xubin golaha Deegaanka Hobyo Mahdi Maxamed Cusmaan iyo waliba ku xigeenka duqa magaalada Shariif Wadaan Cadde. Odayaasha magaalada Hobyo ayaa dhanka kale ka digay in meel aanan Hobyo ahayn laga dhigo dekada gobolada dhexe, waxaana ka hadlay mid ka mid ah odayaasha magaalada yaasiin maxamed cilmi. “dekada gobolada dhexe waa Hobyo, mana jirto meel kale oo deked noqon karta” ayuu yiri. Si kastaba waxa ay mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Hobyo galmudugmedia.com u sheegeen in hadda 3 doonyood oo kale ay badeecooyin usoo wadaan dekada, kuna soo xiran doonaan, waxayna balan qaadeen in Hobyo diyaar u tahay in ay martigaliso dekednimada. Dekada oo ah mid macmal ah waxa ay u baahantahay dhismo, qalabeyn iyo waliba in waddooyinka magaalooyinka kale ku xira la dhiso, dadkuna waa kuwa rajo ka qaba in waxaasi oo dhan ay qabsoomaan. By Abdullahi Mohamud Abdullahi <Eng Happy>