Eastliegh somali section

Ka Wikipedia

Eastleigh Somali Section

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Eastleigh ama Islii waa xaafad dhanka bari ee magaalada caasimada Kenya ee Nairobi ku taal. Ma sugna xiligii ay Soomaalidii ugu horeysay timid xaafada Eastliegh ama Islii laakiin mudadii u dhexaysay dabayaaqadii 1980yadii ilaa iyo bilowgii burburkii Dawladda dhexe ee Soomaaliya waxaa si xadad la’aan ah u yimid Islii Soomaali tiro badan.

Juquraafiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xaafada Islii waxaa mara labo wado oo waaweyn waxaana la kala yiraah Fisrt Avenue iyo Second Avenue isla markaana waxaa labada wado u dhexeysa 12 wadooyin oo yar yar kuwaad loogu kala yeero wadada 1aad ilaa 12aad, ugu dambeytiina waxaa soo xira wadooyinkan wado la yiraah Runabout-ka.

Waxaa isla gudaha xaafada Islii (waa Eastliegh oo Soomaali laga dhigay) ku yaal suuq caan ah oo qiyaastii ah meesha deegaanka Soomaalida ee Eastleigh uu ka unkamay. Suuqan waxaa la yiraahdaa Garissa Lodge oo isaga laftigiisa loogu magacdarey magaalada ugu weyn degmada Garissa ee gobolka waqooyi Bari ee Kenya kaas oo dhaca dhulka Soomaalida ee loo yaqaan NFD. Dhulkaan waxaa si rarsmi ah gacanka Kenya Ingiriiska ugu wareejiyay sanadkii 1963.

Xaafada Easliegh waxay qeyb ka tahay degaanka loogu magacdaro Pangani. Halkaan ayaad ka helaysaa saldhiga ciidanka amaanka iyo adeegyo kale oo quseeya adeegyada bulshada sida dugsiyada dhexe, kuwo sare, isbitaalka umulaha, rugo ciyaaro iwm.

Waxaa Eastleigh – Islii loo kala qeybiyaa, in kasta oo aysan bulshada aad ula socdan, sedex qeybood oo kala ah: Sekshin Wan (Section One), oo ah agagaarka Jaamka, wadada Juja Road ilaa iyo darafta hore ee Garissa Lodge, halkaas oo ay ka bilaabato Section Tuu (Section Two) oo iskugu jira Wada 1aad ilaa inta ka dambaysa wadada Runabout-ka, iyo Sekshin Tirii (Section Three) oo ku quman dhanka Gegida Diyaaradaha Caalamiga ee Joma Kenyatta Airport International. Si kale haddii loo yiraah Eastleight ama Islii, waxay ka kooban tahay sedex qeybood oo kala ah: Section I, Section II, iyo Section III.

Ganacsiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Eastleigh waxay waayahan dambe ee oo ah ilaa iyo 20kii sano ee la soo dhaafay ay ku caanbaxday suuqyo looga soo adeeg tago ilaa iyo wadamada deriska la ah Kenya sida Yugaandha (Uganda), Tansaaniya (Tanzania), Burundi (Brundi) iyo Itoobiya (Ethiopia). Badiyaa dhanka dharka, cuntada, qalabka korontada iyo qalabka guryaha iyo xafiisyada ayaa ugu badan beecsharada taal Suuqyada Eastleigh.

Suuqayada Eastleigh waxay dhamaan ku yaalaan Section II, waxayna inta badan saaranyihiin First Avenue, halka Second Avenue ay ku yaalaan hoteelada, qaar ka mid ah masaajida, makhaayadaha iyo adeegyo kale.


Masaafo dhan 12 wado oo is garabyaal una dhexeeya 2 wadoo waaweyn oo gaadiidka maro ayey ganacsatada Soomaaliyeed ka dhistey daaro dhaadheer (min 5 dabaq) oo aad moodo Hong Kong. Waxaa ay dadka booqdo Islii la yaabaan fakarxumada ku jirta dadkaas ganacstada ah ee dhisanaya wadan aysan laheyn mudo gaabane looga rari karo? Runtii dhismayaasha xitaa qaarbaa la yiraah Hong Kong, Bankog iwm. Suuqyada waaweyn ama rugaha carwooyinka waad ku dhexlumeysaa weynin inta ay la egyihiin. Soomaaliya diracyadeedii dumiyey dalkii ayaa hadane god kale u qodaya lacagtii ay sida aan wanaagsaneyn mudada lagu tabcayey. Waa gunaanadka ay gaaraan dadka booqada Islii.

Dowlad Ka Cararka Ganacsatad Soomaaliyeed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Nidaamka dowliga ah ha ahaado mid canshuur ururiya ama mid ansixiya dhaqanka iyo qanuunka degaan, ganacsatada Soomaaliyeed in mudo ahba way diidanaayeen jiritaanka wax dhaqdhaqaaq ah oo sharci ku saabsan. Caasimadii wadanka ee Muqdisho waxay u duntey dad ganacsadayaal ah oo maalgeliyey dad yiri, "anaa hor istaagi Dawladda."

Eastliegh waxaa uk nool dad aad iyo aad u badan oo mudan ilaa 3 saldhig ciidan amaan iyo adeegyo kale oo dowli ah sida meelaha shatiyada laga goosto waxay ahaan lahaayeenba, laakiin ganacsatadii ayaa dhulkii laaluush kaga suulisay dowladihii hoose ee degenaa. Caadiayan, jirtaanka dowlad hoose waxay keentaa meesha ay degantahay adeegyo badan oo daruuri ah sida:

  1. Saldhig ama xero ciidan amaan
  2. Saldhig dabdamis
  3. Saldhig gargaarka degdega (umbalance)
  4. wax adeeg ah oo ay dadkaas helaan haddii shil iwm ay la kulmaan.

Bulshada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bulsho tiro badan oo aan tirakoobkeeda la heyn ayaa ku nool xaafada Eastliegh ee Nairobi. Qoraalo badan ayaad ku arkaysaa t iro ilaa kontameeyo kun iyo wax la mid ah laakiin hadaad damacdo inaad tiriso dadka dhex marayo suuqa waxaad si sahlan ku heli kartaa tiro toban kun gaareysa oo hal suuq ku sugan. Waaga markuu baryo ilaa iyo 5 saac ee fiidnimo waxaad arkaysaa dadka oo aan ka faaruqeyn wadada, iyagoo lugeynayo jidwaynaha loogu talogaley baabuurta, markuu baabuur soo maro ama hoonka yeeriyana ka kala leexanayo wadada, ka dibna dib ugu soo aruurayo oo lugeyskoodii meesha ka sii wadanayo.

Waxaa nasiibdaro ah in Soomaalida aysan daneyn wax dowlad ah. Ganacsatada ayaana horseed u ah arintaan iyaga oo dano gaar ah leh. Taas waxay keentay in adeegyadii ay caadiyan dowladi qaban jirtey ayaa meesha ka baxay. Adeegyada lagu yaqaan dowlad, gaar ahaan dowlad hoose, waxaa ka mid ah caafimaadka bulshada, waxbarashada, amniga, nadaafada iwm. Sabab xafiis dowlad oo aan ka jirin Eastleigh ayaa sababtey inaan la heyn tirade rasmiga ah ee bulshada ku dhaqan Islii (Eastliegh).

Soomaalida ku dhaqan Eastleigh ama Islii, waa dad inta badan ka soo jeeda gobolada koonfureed ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo,Baardheere iyo Balad Wayne iyo dad noloshoodu dhexeyso Nairobi iyo magaalooyinka gobolada Soomaaliyeed ee xaduuda la leh Kenya ee Gedo, Jubadda Dhexe iyo Jubbada Hoose. Dadkaan badankii tan iyo burburkii caasimada Muqdisho ayey nolol ka sameysteen Nairobi, iyo Kenya guud ahaan.

Diinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa Eastleigh (Islii) ka jira waxbarasho diini ah oo aad u tayo sareyso. Waxaa xaafada Islii ku taal 4 masjid oo aad u waaweyn oo kiiba uu qaado musaliin aad u tiro badan. Waxay masjidyadan kala yihiin:

  1. Masjidka Al Hidaayah – Wadada Jaamka oo u dhow Suuqa Garissa Lodge Market
  2. Masjidka 6th Street
  3. Masjikda 12th Steet
  4. Masjidka 8th Street.

Waa sida ay u kala weynyihiin ama u kala qaad badanyihiin masaajidyada Eastleigh ku yaal kuwaas oo kaalin lixaad leh ka qaata nolosha shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada Kenya, Nairobi.

Iyada oo ay afar masjid jiraan ayaa hadane waxaa dhacda inta badan in salaad walba ay buuxsamaan. Badiyaa hoteel ama lodge walba oo ku yaal Eastleigh wuxuu leeyahay musale ay ku tukan karaan 30 qof , iyaga laftigooda way buuxsamaan. Tani waxaad kaga cabir qaadan kartaa baaxada tirade bulshada ku nool deegaanka Islii ee caanka ka noqday bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda tan iyo waayihii qaxa laga noqday caasimaadii Muqdisho ama Xamar.


Gaadiidka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Nairobi waxay caan ku tahay gaadiid xaniba isku gudubka magaalada. Easliegh, dhanka Soomaalida oo leh 2 wado oo keliya, First Avenue iyo Second Avenue, waxaa dadka ay gadiid ahaan u isticmaalaan matatu. Gaadiidka dadku raacaan waa baabuur labo nooc kala ah: Caasi 14 shaqsi qaad ah iyo baabuur nooca xamuulka ee ka yar 1 TON oo loo sameeyay dul qufulan oo laga dhigay sidii Coaster-kii Xamar ka shaqeyn jirey, wuxuuna qaadir karaa 25 shaqsi.

Wax nidaam ah ma lahan baabuurtaan wayna buuq badanyihiin oo musiq sawaxan dheer leh ayey leeyihiin. Qeylida ka yeeraysa sameecadaha baabuurtaan ayeysan labada qof ee is ag fadhida is maqli karin. Sidoo kale wax taleefan ah ma ma maqli kartid, midaad dirtey iyo mid kuu soo dhacay. Boosteejo sugan, xawaare xadidan iyo adeeg qanac leh midna ma lahan baabuurtaan dadka ay magaalada hoose "town-ka" ku aadaan, kagana soo rawaxaan.

Guryeynta iyo Hoteelada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Eastleigh (Islii) waa nafar iyo hoteel 5 dabaq ah. Waxaa mudo toban sano gudaheed ah meel walba laga taagay daar 5 dabaq ah oo qolkiiba bishii lagu kireyo KSh 15,000 oo u dhiganta $220.00/month/bishii. Dadka oo aad u tiro batey ayey kirada guryaha cirka isku shareereen. Waxaad arkeysaa 3 qol oo bishii lagu kireeyo $450. Runtii waa lacag aad u tiro badan oo Europe iyo North America un la dhihi karo waa u macquul in guri laga bixiyo sabatoo ah dadka inta badan waxay bishii sameeyaan wax ka yar $150. Waa qofkii xirfad lagu shaqaaleeyey. Macalimiinta, farmashiistayaasha iyo dadka la xirfada ah ayaa waxay mushaar u qaataan $300.00 ama lacag aan ka badneyn.

Dibaajiga Guryaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waayahan dambe ayaa mulkiilayaasha guryaha waxay bilaabeen iney dalbadaan hormarin bil kiro ah iyo labo bilood oo dibaaji ah. Waa arin dad badan u rartey daafaha magaalada, halkaas oo $100 lagu heli karo guri $100.00 bishii ah ama KSh 6000-7000/= bishii. Adeegyada iyo macmilkii Soomaalida ayuu qofkaas ka fogaanayaa. Dadka inta badane ma lahan wax gaadiid iyaga u gaar ah.

Adeegyada Bulshada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxbarashada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Islii ama Eastleigh waxay Soomaalida sameysteen iskuulo ka kooban luqado (English, Ksiwahili, Somali,Arabic, French), computer, ganacsi, daruus dugsiyo dhexe, iyo dugsiyo sare.

Easliegh schools waxaa ka mid ah:

  1. Compit Education Center
  2. Oxford College
  3. Sky Institute
  4. Soyaal College
  5. Atlas College

Badiyaa iskuuladan intaan mid ama labo ka aheyn ma bixiyaan daraasaadka dugsiyada sare, kuwaas oo ay wasaarada waxbarashada Kenya bixiso shahaadada marka uu ardeygu dhameysto waxbarashadiisa ama waxa ay Somali Kenya ugu yeeraan akhriskiisa.

Bold textLink title

Isbitaalada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa Eastleigh ku yaal dhowr rugood oo bixiya adeeg caafimaad. Adeegyada bukaansocodka caadiga ah, adeega dumarka uurka leh iyo adeegyada umulinta iwm ayey bixiyaan rugahan caafimaad. In badan ayey ka kharashyaryihiin isbitalaada waaweyn sida Kenyata Hospital, Nairobi Hospital, Agha Khan University Hospital.

Adeegyada rugaha caafimaad ee xaafada Islii waxay kala yihiin:

  1. Dockcare Hospital - 3rd Street
  2. Madina Hospital - 9th Street
  3. Mother and Child Hospital - After Runabout towards Section III
  4. Eastleigh Maternity Unit - 5th Street
  5. Afwan Hospital


Masaafo aan saas u sii fogeyn waxaa ku yaal Pangani Maternity Hospital oo ku yaal meel aan ka fogeyn isgoyska loo yaqaan runabout-ka ee ku xiga wada 12aad.