Galcad

Ka Wikipedia

Degmada Galcad

Degmada Galcad waaa mid ka mid ah degmooyinka Gobolka Galguduud ee bartamaha soomaaliya. Degmadu waxay juguraafi ahaan 350 km dhanka woqooyi kaga began tahay magaala madaxda Dalka soomaaliya ee Muqdisho waxayna ku taallaa cirifka koonfureed ee gabalka galgaduud.

Degmada galcad ayaa markii ugu horeysay waxaa degmo loo aqoonsaday 13/8/1990 kadib markii uu madaxweynihii xiligaas talada hayey ee Jaalle Max’ed Siyaad Barre uu ku magacaabay wareegto kasoo baxday oo su summadeysneyd L/C/81/12-708-1 texraac No: L/C/81/12-708-1 oo ku beegneed tr:25/7/1990 taas oo uu saxiixay wasiirkii arimaha gudaha ee xiligaas C/qaadir Xaaji Maxmed Masalle degmadan horey waxaa loogu aqoon jiray magaca caanka ah Ceel Max’ed Baarre taas oo ilaa iyo hadda mararka qaar loogu yeero.

Degmadu waxay soohdimo la wadaagtaa degmooyinka kala ah Ceeldheer, Galhareeri, Ceelbuur, Maxaas, Aadan yabaal, Ruun dhirgood iyo waliba badweynta Hindiya, waxayna ka kooban tahay 4 xaafadood oo kala ah xaafadaha: Ceel weyne, Barwaaqo, SYL iyo Heliwaa waxayna u dhisantahay hab seddax xagal ah oo ka kooban seddax waaxood oo kala ah waaxda SYL, waaxda Sh:ibraahin iyo waaxda Heliwaa tuulooyinka iyo deegaanada hoos taga degmada galcad waxaa ka mid ah Masaga weyn, Marey suuley, Baraag sh:caamir, Burtuble, Waniinle, Tuulo Aflax Ceel hareeri, Tawakal, Ceel ciid, Cows weyne, gal libaax Budbud,Ulan jaran iyo waliba tuulooyin iyo deegaano kale. Deegaanka masaga weyn oo hoos taga degmadan galcad waxay xarun u tahay barashada culuumta Islaamka waxana wax ku barta arday (Xer) ka kala yimaado gobalada dalka soomaaliya waxaana gacanta ku haayo Shiikh Ismaciil Macalin C/kariin oo ka dhaxlay Sheikh Siciid Shiikh Ibraahim Yare waxaana halkaasi ku yaala goobo wax barasho oo qadiimi ah kuwaas oo la dhisay bartamihii qarnigii 18 aad.

Degmada Galcad waa magaalo ay dagaan yihiin dad nabadoono ah oo jecel nabada waxey reer Galcad ku xaliyaan mashaakilka qaab waafaqsan shareecada Islaamka, xitaa hadii uunan  jirin maamul dowladeed iyo mid gobol toona. waa magaalo qurxan oo 2010 gaartey horumar la taaban karo sida caafimaadka wax barashada ganacsiga dhismaha iyo dhamaan hey' adaha dowladnimo inkastoo waqti badan ay maamulaayeen xarakada Al-shabaab oo is bedel ku sameeyey muuqaalka magaaladda dadka reer Galcad waa dad daneeya horumarka magaalada waxeyna kubaaqaan mar walba nabada iyo kala danbeeynta magaalada 

Adeegyada Bulshada (waxbarashada, Caafimaadka iyo Dhaqaalaha)

Degmada Galcad waxey leedahay 3 dugsi hoose/dhexe iyo sare oo ku yaala gudaha degmada iyo 2 Isbitaal oo dhamaantood dadka dagaanku dhisteen sidoo kale deegaaan kastaa oo degmada hoos tago wuxuu leeyahay hal ama laba school iyo goob caafimaad oo u gooni ah goobaha caafimaad ee ka shaqeeyo demada waxay isku jiraan daaweeynta cudarada guud iyo hooyada iyo dhalaanka intaba waxaana lagu qabtaa dhamaan baahiyada caafimaad ee deegaanku u baahan yahay sidoo kale Waxaa kuyaal in kabadan 15 masaajido iyo dugsiyo quraan.

Sido kale degmadu waxa ay can Ku tahay sportiga qaybihisa kala duwan

Galcad waa magaalo sida magaalooyinka kale ee gobolada dhexe dhaqaaleheedu ku tiirsanyahay Xoolaha nool iyo tijaarada kalaba waxaase u dheeri ah wax soo saarka beerha oo ku tiirsan waraabka roobka iyo kalluumeysiga kheyraadka badda maadaama ay marto badweynta hindiya. magaaladu waxay leedahay ganacsiyaal waawayn oo iskugu jira sida shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha dhismada, ceelasha biyaha iyo maqaayadu casri ah. Degmadu waxay leedahay garoon diyaaradeed oo casri ah oo markiiba ay ku degan karaan in ka badan 15 diyaaradood, iyo dekad qadiimi ah oo lagu magacaabo Cigo sea port taas oo ay kusoo xirtaan doomaha kalluumeysi iyo kuwa ganacsi intaba dhismaha garoonka iyo dekadaan waxaa maalgeliyey dadka deegaanka oo is abaabulay iyo jaaliyada soomaaliyeed ee kasoo jeeda degmadan Sidoo kale horaantii 2005 tii ayaa degmada waxaa si toos ah looga hirgeliyey mashruuc isgaarsiineed kaas oo ay hirgeliyeen shirkadaha isgaarsiinta sida (Hormuud iyo Nationlink) waxayna taasi suurto galisay in dadku helaan adeeg tellefoon. xafiisyada hey’adaha qaramada midowbay qaarkood ayaa ka howl gala oo xarumo ku leh degmada. Halyeeyda soomaaliyeed ee ka soo jeeda degmada Galcad

Degmada galcad waxaa kasoo jeeda halgamayaal qeyb ka qaatay xornimada maanta aan harsaneyno. sadex ka mid ah 13 kii aas-aase ee xisbigii leegada SYL ayaa waxa ay ahaayeen kuwo u dhashay degmada galcad waxaan ka mid ahaa.

• Max’ed Faarax Hilowle (Farnaajo) • Cismaan Geedi Raage • Max’ed Cali Nuur<br

Halka tobanka soo hartayna ay u dhasheen shanta Soomaali taas oo ka dhigaysa in halgamayaashi xoriyada aanu maanta harsanayno sadax meelood meel ku dhawaad ay ka soo jeedaan degmada Galcad.

W/d Ibrahim axmed alqasaaali Tel 0615297488 Sidoo kale waxaa gacan Wayn ka geysaty yaasiin Ibrahim Cadoow Tel 0615885342