Geed Hindi

Ka Wikipedia
Geed Hindi
Azadirachta indica

Geed Hindi (magaciisa saynis: Azadirachta indica; afaf badanna waxaa loogu yeeraa Neem ama Nim) waa geed aad u weyn oo ka baxa dalal badan oo ka mid ah Caalamka, wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa dalka Hindiya. Midka ka baxa Soomaaliya waa mid sannadka oo dhan iska cagaaran, aadna u ballaaran, sababtoo ah jawiga Soomaaliya ma is beddelo. Geed hindiga wuxuu la baxaa mid kale oo la dhaho Geed Tallaal oo mirahiisa kharaar ah, caleemahiisana qal qaliir ah. Geed Hindiga Soomaaliya ka baxo caleemihiisa waa ballaar.