Jump to content

Geledi

Ka Wikipedia

Geledi waa beel aad u fac weyn oo hadda ka mid ah isbahaysiga laysu yiraahdo Digil iyo Mirifle.

Saldanadda Geledi

Geledi Sultanate
‎سلطنة غلدي
Qarnigii 17aad–Qarnigii 19aad
XaruntaAfgooye
LuuqadaSoomaali · Carabi
Diinta
Islaam
DowladdaBoqortooyo
Suldaan
Boqor
Imaam
Shaykh
Hogaamiye
 Qarnigii 17aad –bartamihii Qarnigii 18
Ibraahim Adeer
 1878 – Qarnigii 19aad
Cusmaan Axmed
Taariikh 
 Aasaasay
Qarnigii 17aad
 Burburtey
Qarnigii 19aad
Preceded by
Saldanada Ajuuraan

Geledi sida ku xusan taariikhda sugan ee qadiimiga ah waxay ahayd boqortooyo awood leh oo jirtay qarniyo badan ka talin jirtay qaybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.

Geledi waa boqotooyo Soomaaliyeed oo Talin jirtay geeska afrika Dabayaqadii Qarnigii !7aad ilaa iyo bilowgii Qarnigii 19aad. Waxaana xukunka heystay goobroon. Saldanada Geledi waxaa aasaasay Suldaan Ibraahim Adeer kadib markuu ka guuleystay dowladii ajuuraan, waxuuna dhisay qasrigii goobroon. Saldanadu waxey gaartay heerki ugu sareysay xilliyadii Suldaan Yuusuf Maxmuud markuu kaguuleystay jameecadii baardheere, iyo xiligii Suldaan Axmed Yuusuf.


Bartamihii qarnigii 19aad Saldanadda Geledi waxey gaartay heerki ugu sareysay kadib markey hantiyeen ganacsigii iyo siyaasaddii dhulka Banaadir iyo inta u dhexeysay labada wabi juba iyo shabeele waxaana u suura gashay in ay canshuur ka qaadaan Safarada, iyagoo ka faa’ideysanaya jidadka geediga safarrada ay maraan kuwaas oo xiriirinayey magaalooyinka xeebaha ku yaal iyo miyiga fog oo dhamaantood ku kulmi jiray magaalada Afgooye.

Geledi asal ahaan waxay ku abtirsadaan reer Cumar diini oo reer shaam ahaa, wuxuu ahaa cumar diini wadaad oo faafiya diinta wuxuuna markii ugu horreysay ku soo degay magaalada Harar dalka itoobiya kadibna wuxuu u soo guuray soomaaliya isagoo diinta faafinaya dabadeedna degay gobolkan shabeellaha hoose halkaas oo ku tarmay.

Waxa uu dhalay odayga cumar diini laba wiil oo la kala yiraahdo:

1. Qarsin

2. Daab