Goobweyn

Ka Wikipedia

Goobweyn waa deegaan magaalada kismaayo u jirto 15 km dhinaca waqooyi.waxaa mara dhulbaraha caalamka Waxaa dagan beeraleey iyo xoolo dhaqato.dadka beeraleyda waxaa kamid ah dalaga ay abuurtaan Masagada, Mooska, cambaha iyo dalagyo kale oo badan.

Waa deegaan tariikh fogleh waana degaan ku caanbaxsana waqtigii guumeystaha iyo ka horba ganacsiga dalaga iyo xiriirka ganacsi uu lalahaa ajaanibti imaan jirtay soomaaliya ee ganacsiga kala dhaxeeyay soomaaliya sida ganacsato carab ah iyo hindi. Waa deegaan qurux badan waxaana la sheegaa in tariikh ahaan ay ka facweyn tahy magaalada kismaayo. Goobweyn waxaa dagan beesha loobage gaar aheen yabarow sacdi Magaalada waxay caan ku tahay bilicdeeda dabiicaga ah , baryihii danbe waxaa magaalada noqonaysay mid soo kobcaysa oo indhaha gobolka soo jiidatay.

magaaladu waxay ka mid tahay magaaloyinka ugu qadiimsan jubboyinka. Magaalada waxa Mara wabiga juba kaas biyaha ku shuba bada, waxay kaloo caan ku tahay geedaha sida qumbaha. dadka dagan goobweyn wa dad is jecel oo qalbi furan. waxa ay leedahy dugsiyada waxbarshada sida kuwa lagu barto Quraanka kariimka. sidokale waxa ay lahaan jirtay Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Goobweyn oo dhawaan dib udhis lagu samayn doono.