Hawlgalka Northwood

Ka Wikipedia
Mid ka mid ah nuqullada dokumintiga

Hawlgalka Northwoods waa qorshe sir ah oo militariga Mareykanka uu sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka 1962-dii, waxaana isla sannadkaas loosoo bandhigay madaxweynihii Mareekanka ee Keenadi. [1] [2] Kaddib muddo ka badan 30 sano oo la qarinayay ugu dambayn dadweynahaa loosoo bandhigay 1988kii dadaalladii ay bixisay hay'adda Heshiiska Daah-ka-qaadidda Xogta (Freedom of Information Act) awgood. Nuxurka qoraalkan ayaa ahaa qorshe ay dawladda Maraykanku ku weerarayso danaheeda kaddibna ay ku eedaynayso Kuuba si ay taageero dadweyne ugu hesho duullaan ay ku qaaddo Kuuba. Qorshahan ayaa ka koobnaa dhowr hindise oo ay ka mid yihiin in la afduubo ama la qarxiyo diyaaradaha rakaabka ama in la qarxiyo saldhigyada ciidamada Mareykanka iyo in la hafiyo oo la dilo tahriibayaasha Kuuba ee Mareekanka doomaha kusoo galaya kaddibna lagu eedeeyo Kuuba.

Haddi aynu si fudud u dhigno, waa qorshe saraakiisha ciidanka ee Mareykanu soo bandhigeen, iyagoo rabay in qalalaaso iyo falal argagaxiso ay ka geystaan gudaha Mareykanka, kaddibna ay rabeen inay ku eedeeyaan waddanka Kuuba, si ay marmarsiiyo iyo taageero ugu helaanka duullaanka ay ku qaadi doonaan Kuuba.

Tixraacyo[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Ruppe, David (1 مايو 2001). "U.S. Military Wanted to Provoke War With Cuba". ABC News. مؤرشف من الأصل في 2019-04-21. اطلع عليه بتاريخ 2012-01-21.[1]
  2. News، A. B. C. (7 يناير 2006). "U.S. Military Wanted to Provoke War With Cuba"Arkiifka

Lingaxyada dibadda[wax ka badal | wax ka badal xogta]