Hijrada xabasha

Ka Wikipedia

Hijrada Xabasha ama U haajirida saxaabada ee Xabasha waa dhacdo Taariikhi ah waana markii Saxaabadii hore u hijroodeen dhulka Xabshida (Maanta Itoobiya Iratariya iyo Soomaaliya ) ayagoo ka cararaya tacadiyada ay kala kulmaayeen Qureysh[1], Boqorkii Xabashida Najaashi ayaa soo dhaweeyay muslimiinta, waxey ahayd Hijrada sanadkii 5aad ee bicsada, Saxaabo tiro yar oo kow iyo toban Rag iyo afar Dumar ayaa markii hore baxeyn laakin way soo laabteen ka dib markii ay maqleen reer Makka inay islaameyn, warkaas oo sax noqonin, Mar labaad waxaa u soo haajiray Xabasha 83 Rag oo la socdaan xaasaskood iyo caruurtood, waxaana madax u ahaa Jacfar bin Abii daalib [2].

Hijrada koowaad[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Markii Islaamka soo shaac baxay waxey wajaheen muslimiintii ugu horeeyay ee diinta qaatay gaar ahaan danyarta dhibaatooyin badan oo kaga imaada xaga Qureysh heer saxaabo badan u dhintaan, Nabiga scw markuu arkay wuxuu kula taliyay saxaabadliis Xabasha inay u haajiraan, wuxuuna dhahay:《Hadaa dhulka Xabasha aadi lahaydeen waxaa jooga boqor aa agtiisa cidna lagu gardareyseen, waana dhul runta ka jirto intuu ilaahay faraj niiga furaayo waxaa ku sugan tihiin[3]. Markii ugu horeysay waxaa haajiray 11 Rag iyo afar Dumar oo madax u ahaa Cusmaan bin Madcuun [3], waxey gaareen xeebta Bada Cas halkaas oo dooni ka raaceen, Qureysh ayaa soo daba gashay balse waxey heleen inay mar hore baxeen [4], Arintaan ayaa ahayd bisha Rajab sanadii shanaad ee Bicsada [3].

Magacyada saxaabada hijrooday[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Caamir bin rabiica Al-canazi iyo xaaskiis Leyla binti Abii xasma
  • Suheyl bin Beydaa
  • Xaadib bin Camar
  • Abuu Sabra bin Abii dirham

Soo laabashada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kooxdan baxday wax badan sii ma joogin Xabasha waxaa soo gaaray warar sheegaya Qureysh inay islaamtay waxey go'aansadeyn Makka inay ku laabtaan bisha Soonfur ee isla sanadkii 5aad ee Bicsada [5], markii ay Makka kusoo dhawaadeyn waxey ka war heleen wararkii soo gaaray inuu sax ahayn waxeyna noqdeen qaar isaga laabta Xabasha iyo qaar ku gala Makka dhuumaaleysi ama magan uu qof ka heylay [6].

Hijrada labaad[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. المستدرك على الصحيحين (4301) Archived 2017-10-13 at the Wayback Machine
  2. فتح الباري شرح صحيح البخاري لابن حجر العسقلاني جـ7، ص:228 Template:استشهاد ويب
  3. 3.0 3.1 3.2 البداية والنهاية جـ3، باب:هجرة أصحاب رسول الله من مكة إلى أرض الحبشة ـ على ويكي مصدر
  4. الطبقات (1/ 204)، تاريخ الطبري (2/ 69)
  5. الطبقات (1/ 206) من طريق الواقدي بدون إسناد، وابن هشام (2/ 5) بأسانيد ضعيفة.
  6. السيرة النبوية في ضوء المصادر الأصلية - دراسة تحليلية ص:198 Archived 2020-03-06 at the Wayback Machine