Hintire

Ka Wikipedia

Qabiilka Hintire waa Qabiil ka mid ah Qabiilada Soomaaliyeed, ee Degan Gobolka  Shabeelaha Hoose gaar ahaan Tuulooyin ka mid ah Degmada Afgooye, Deegaankooda wuxuu Dhacaa Galbeedka Degmada Afgooye.

Qabiilka Hintire wuxuu ka mid yahay Qabiiladii ka horjeestay kana soo Qayb qaatay la Dagaalanka Isticmarkii Wadanka ku soo Duulay gaar ahaan kii Talyaaniga.

Qabiilka Hintire wuxuu leeyahay Halgamayaal badan kuwaas oo ka soo qayb qaatay la dagaalankii Gumaysiga Talyaaniga kuwaasoo qaarkood ku shahiiday Qaar ka mid ah dagaaladii uu la galay Gumaysigii Talyaaniga ee wadanka ku soo Duulay.

Sidoo kale Qabiilka Hintire wuxuu Taariikh fac wayn ku leeyahay Halgankii Siyaasadeed ee Dalka loogu Halgamaayay Xognimodoonka kaa soo ay asal u ahaayeen Ururkii Xornimo Doonka ee SYL ,kaas oo ay Aasaasayaashiisa ka mid ahaa Halgame,KHALIIF HUUDOOW CUSMAAN, oo ka mid ahaa Halgamayaashii Ururka Xornimo doonka SYL, waana Halgame u Dhashay Qabiilka Hintire, kuna Dhashay Tuulada Mareerey, iyo Rag kale oo Siyaasiyiin ah.