Ibrahim Wasugeyare

Ka Wikipedia

Ibrahim Wasugeyare Waa gabayaa caan ah waxa uu ku dhashay dagmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho, sanadkii 1989kii

gabayo badan ayuu tiriyay waxaana ka mid ah:-

Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay hayso Ama lebiga Hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey Oo haadku dhaafoo shimbiro cimilo goor heesa Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye Anna xiisahaan kuu yahaa kaba hanaan dheere Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye Oon heer-kastay qurux katahay hawlin taa kale e Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale Qaar buu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawr-jeere Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyed loo siiyey Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen Gobonimo haddii laga hadlana waa hirsood runa he Hoo iyo waxsiin waxa ka roon haab garaab qaba e Adiguna hantiday oo caqligu waa hub kuu dihine Hadaaqaba ma dhaameen haddaan hadalku toosnayne Hayeeshee warkaad hurin taqaan haa adoon odhane Mar hadaad hufnaan gees kastaba aad ka hanaqaaday Adigey hibaaqeey naftani heegan kuu tahaye Adaan hiirta waaberi dartaa habataq luudaaye Hanfigiyo kulayl-kiyo haddaan halowga soo jiidho Oo aanan haabkiyo dhabtiyo laabta kugu haynin Ma'haraado oonoo biyaha hoos uma dayo e Haamadayga dhaxanta cabaar hooy kama galo e Hawlaha dalkeygiyo xilkaan baaye hananaayey ku habsaamay Taadii markaan taydi hoos dhigaye Magaalada hareertaad ka taal eed u hoyonayso Inaan helo haddii aan yartaay haabka aan geliyo Aaweey hubqaad wacan anaan hadal cid weydiinin Hillaacaan sidiisii maraa hagida aad taale Haatufkaan sidiisii walaal ku hor imaadaaye Haddii aan heddeen gelin intaan dunida hoos joogno Inaan kaa hawoodaa marnaba waa habeen tegeye Hayeeshee Illaah baa hayoo calaf ku hoos yaale Haddaan Eebe hoo odhan wuxuu u hunguroonaayo Qofna abid ma soo helo wuxuu haari ku ahaaye Haddii aynu kala haayirnoo laysu hiran waayo Oo aan Hibaaqeey nasiib adiga ii haynin Nacas hayle-foosh iyo qorqode garan hagaaggaaga Midaan ku hidda-raacayn asaan haybed kugu beerin Urdun xumaha hanfiif-sada kolkay hawli soconayso Haddii talada aan hayn lahaa kuma horgeeyeene Waxba yaanan sii hadaltiyeyn hadalka qaarkiiye Ihaleel jacaylkii intuu soo hamaansadaye Heensiyo hubkaa laba dhacuu igu hogaanshaaye Hayin aan biyaha daadin iyo igadhig hawlmooge Dhulka meesha Hodaniyo nimcada igu aghaynwaaye Hogob laga hayaamiyo cidluu ila hadaafaaye Hiil qodaxle iyo jeerin buu igu hagaajaaye Waxaan hadimo soo maray waxaan halowyo soo meeray Hohi cabasho weeyee mar qudha hiiftan maan odhane Halbawlahaad i heertiyo lafahan hilibku naafoobey Nabaradan bog hoosiyo wadnahan halac ka oogaaya Haddii aan ku helileey bogsoon haarta qoomaniye Waa hubaale hays odhan wax buu kuu hadoodilaye Waa hadal nin waayeeli yidhi hiila kaa raba e Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu harraad qabaye Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu hadfee lumaye Waa hadal ka soo baxay ninkaa soo hiloow ku lehe Waa hadal qofkii la hordhigaa oohin hoorsadaye Waa hadal qofkaan caashaq helin hawlyaraan la'ahe Waa hadal markaan kugu hamiyey aan higaad qoraye Waa hadal wax badan baan habraye uurku hayn karine Waa hadal halkaad igaga taal hoo ogoow ku lehe Waa hadal hayii kugu lalabay soo halaan-halaye Caashaqa hareertaada qabo hubiyey kaygiiye . Waxa qorey iid maxamuud jamac

waa abwaan sare kala soo xiriir 0634800066 oo hormuud ah 0659387151oo nationlink ah ama wasugeyare@hotmail.com