Ilmi boodhari
waa sheekadii cilmi
Xiligii uu go,ay cilmi ilaa haadatan la joogo waxeey dadku ku halqabsadaan
Ama lamanayaashu markeey wadaagayaan caashaqa is dhaaf dhaafsadaan
Jaceylii cilmi boodhari uu u qabay hodan misana uu heli waayey
Dadka indha indheeya caashaqa had iyo jeer waxeey afka ku haayaan jaceylkii
Cilmi iyo hodan taas oo ah taariiqdii ugu darned ee soo marta dalkeena
Soomaliyteed qaasatan taariiqyada jaceylka ka faalooda
Cilmi wuxuu ku noolaa mii sidaas daraadeed isagu kuma aanan faraxsaneen
Migii uu ku nolaa waa tan markii dambe ku adkaatay nolashii reer miiga
Dabadeed wuxuu yimid magaalada hargeysa halkaas ayuu ku bilaway nolol cusub
Oo ka duwan tii miiga
Cilmi boodhari isagu waligiis muuna imaan magaalo wuxuuna ahaa dhalinyaro aay
Ku cusub tahay dhanqanka magalada inkastoo cilmi aay aad u dhibtay sidii uu ula qabsan lahaa nolashiisa cusub hadaan xuso xiligaas waxeey eheed xiligii aay dhamaaden
Dagaalkii ka dhaxeeyay Sayd max,ed cabdule xasan iyo kumeysigii ingiriiska
Oo wali waxa jirtay saan saan colaadeed gumeystuhuna ma uusan ka talin jirin badankood magaaloonyinka
laakin waxa saldhig u eheed magaalada xeebta ah ee berbera oo markaas gumeytihi
wax ugu soo degi jireyn
Cilmi boodhari sanadku markuu ahaa 1931 wuxuu yimid magaalada berbera
Hadaan xuso berera waxeey ka mid tahay magaalooyin ugu dhismaha horeyyay
Dalkeena soomaaliya waxeey kutaalaa berera xeebta bada cas
Cilmi markii uu yimid magaalada berbera wuxuu aad u indha indheeyay
Sida aay u dhaqmaandadka dagani iyo sida aay hdaba ku dabaraan nolasheeda
Iyo tan qooskooda
Cilmi waxaa si fiican u gacan qabtay nin dhalin yaro ah oo ka tirsan qooskooda
Meelna uu kula noolaa intii uu shaqo ka helaayay
Cilmi isla markiiba wuxuu noqday nin dhaliyrada ay wada barteen
Sababtoo ah aad buu u furfurnaa iyo aftahanimadiisa oo heer sare eheed
Cilmi markii uu dhoor bilood deganaa magaalada berbera ayuu maalintii dambe shaqo ka helay hodheel cunada lagu sameeyo oo uu lahaa nin carbeed oo daganaa magaalada
Berbera
Mudo markii uu ka shaqeeynayay hodhelkaas ayuu Cilmi si wanaagsan u bartay sida
Cunada loo sameeyo hooshiisiina si hufan ugu soo baxay
Mudo halsano ah ayuu cilmi ka shaqeenayay hodheelkaas
Ka dib wuxuu u wareegay dukaan lagu sameeyo rootiga ama foornada labadooda sidaad
U garaneysiinba oo aan meeshii hore ka dheyreyn
Cilmi markaay qoraxdu soo if baxday ayuu aaday dukaankii si uu u qabto hooshiisii
Laga rabay markii uu yimid dukaankii ayuu arkay in dad badani u buuxaan ka dib intuu furay dukaankii ayuu u fasaxay in dadkii rootigii laga iibiyo
Inyar markii uu fadhiyay ayaa dukaankii waxaa soo gashay gabar aad u da yar oo roodhi dooneeyso isla markii aay soo gashay aay nabdaadisay oo tidhi :- subax wanaagsan Uma uu san jawaabin isagana wuxuu yiri :-
Maxaad dooneeysaa? 6 xabo oo roodhi ah ayaan doonayaa lacagtii inteey miiska u saartay ayeey u mahadcelisay
Cilmi intii uu duubayay roodhidii ayuu aad u fiiriyay wajigeeda oo inantu waxaa ka muuqata furfurnaan lamoodana ubax aroor hore qoraxdu aay qabatay
Isla markiiba wuxuu niyadiisa dib ugu celiyay sidii ay u hadleysay oo asluub ku dheehaneed wuxuuna ka xumaaday in uusan ugu jawaabin slaaantii aay salaantay
Wuxuu jecleystay wixii dhacay in aay dib u dhacaan markale si uu ula sheekeysto
Gabdhaas waxaa la oran jiray Hodan cabdule waxeeyna ku dhalatay magaalada berbera
Sanadku markuu ahaa 1923kii hodan aabaheed wuxuu ka mid ahaa raga ugu ladan ama ugu shaqo wanaagsanaa magaalada berbera wuxuuna ahaa turjumaan u shaqeeya ingiriiska hadaa xuso markaa waxaa magalada berbera ugu lacag badnaa dadka turjumaanada ah
Hodan waxeey eheed gabar uu ilaah heebad u siiyay dabeecad wanaagsan waxeey eheed
Gabar ad u xaqdhoorta waalidkeed inkasto ay hodan mamuus wanaagsaneed laakin
Ma aysan joogin xili la jeclaado oo aad beey u da yareed waxeyse aheed gabar la soo
Kaceyso qurux iyo dabeecad wanaagsan
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa hodan loo diray roodhi dabadeed waxeey jidka kula kulantay gabar aay daris ahaayeen oo iyadana dooneeyso in ay roodhi soo iib sato
Halkii beey isku lug darsadeen , mudo yar ka dib ayay soo gareen dukaankii cilmi uu roodhidii ku iibinaayay oo aad loogu buuxo
In yar ka dib ayy dadkii kala yaraadeen markas bey heleyn meel banaan oo aay
U maraan ninka roodhida iibinaayo
Waxaa markiiba hor martay gabadhii kale Hodana wey daba joogtay
Maxaan idnka iibiyaa ayuu yiri cilmi boodhari isagoon wajiyadooda aad u fiirsan
Gabadhii kale ayaa tiri Hodan imisa xabo oo roodhi ah ayaan dooneeysaa ?
Hodana waxeey ku jawaabtay 8 xab ayaan doonayaa ee hoo lacagta
Gabadhii kale ayaa dhamaan lacagtii gacanta ka saartay
Cilmi oo ku dheygagsan Hodan