Isnidaamis

Ka Wikipedia
Isnidaamis

Isnidaamis waa cuncun maqaarku yeesho waxaana keena bahala yaryar oo ku nool maqaarka korkiisa (dushiisa), kuna dhala jirka aadamiga korkiisa (dushiisa). Bahalkaasi wuxuu ku nool yahay keliya aadanaha. Xayawaanka qaarkood waxaa geli kara bahalahaas, laakiin dulumkaas yaryari wax ma yeello aadanaha. Isnadaamisku wuxuu dhaliyaa is cuncunid siyaada ah dhibca guduudan (maqaarka cad wuxuu noqdaa guduud, kan madoobina wuxuu noqdaa beerbal) jirka meelihiisa laalaabka ah. Badanaa kuma dhacdo madaxa iyo qoorta. Cuncunku wuxuu u daran yahay habeenka marka hawadu kulushahay.