Jubba raas

Ka Wikipedia

Madaxweynaha Maamul Goboleed lagu Magacaabo JUBA RAAS STATE ayaa lagu caleema saaray Dalka Sweden

Aarannews (Stockholm) Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 11/January 2011 lagu qabtay xaflad ay dad badani isugu yimaadeen caasimada Sweden ee Stockholm .Waxaana Xafladaas lagu caleemo saarayey Madaxweynaha Maamul goboleed cusub oo lagu magacaabo JUBA RAAS STATE. Xafladaas oo ahayd mid si == heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u badan. Waxaana xafladaas ka hadlay dadkii ka soo qaybgalay sida: Aqoonyahanada,Haweenka, odoyaasha iyo dhalinyarada. Waxaana xafladaas lagu caleemo saaray Madaxweynaha Maamul goboleedka Juba Raas State ENJ.C/Qaadir Maxamuud Yuus


Madaxweynaha Juba Raas State oo halkaas ka hadlay caleema saarkiisa kadib ayaa balanqaaday in uu la imaandoono waxqabad dhab ah. Waxa uuna balanqaaday in uu tagidoono halka maamulkiisu ka shaqayndoono degmooyin ka mid ah koofurta Dalka Soomaalia.

Waxaana dad badini isweydiinayaan sida ay maamulo lagu dhiso dalka dibadiisa ay si toos ah uga shaqayndoonaan dalka Soomaaliya gudahiisa oo intiisa badan ay ka taliyaan Xoogaga hubaysan ee Alshabaab.

Waxaase looga fadhiyaa maamulkan cusub in uu ka mira dhaliyo balanqaadkiisa, haddii kale waxa uu ka midnoqonayaa Maamulo farabadan iyo Madaxweyneyaal farabadan oo aan dhaafin halkii lagu caleemo saaray.