Luuqad Soomaali

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Luuqad Soomaali Luuqad Soomaali, Af Soomaali (ingriis: Somali language; Carabi: اف سومالى)waa luuqad lagaga hadlo deegaanka geeska Afrika halkaasi ooy ku dhaqan yihiin dadka Soomaalida ah kuwaas oo ka tirsan dowladaha kala duwan sida wadanka: [[Soomaaliya, Jabuuti, Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Waqooyi Galbeed Kenya iyo meelo kale oo ka mid ah Afrika iyo caalamka oo dhan. Sida ay sheegeen culimo tiro koob ku sameeysay waxay sheegeen in ugu yaraan daka ku hadla luuqada Af Soomaaligu yihiin ilaa 17.8 milyan kuwaasi oo ku kala nool meelo badan oo dunida ah. Luuqada Soomaaliga ah waxaa lagu tiriyaa luuqadaha Kushiitiga loo yaqaan ee lagaga hadlo meelo badan oo geeska, badhtamaha iyo waqooyiga Afrika iyo Aasiya ah. Luuqada Soomaaliga o dadka u dhashay ugu yeedhaan Af Soomaali waxaa loo qoraa noocyo badan oo farshaxan iyo alfabeetyo ah, kuwaasi waxaa ugu isticmaal badan qaabka Somali Latin ee laga soo xigtey farta Laatiinka, waxaa