Jump to content

Macalinweyne

Ka Wikipedia

Macallinweyne ( Maay: Maalinwiiné, Maxaatiri: Macallinweyne, Arabic: معلم وين) waa qabiil ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, gaar ahaan, wuxuu ka soo jeeda Mirifle kana mid ah inta ku abtirsata Siddeed(Mirifle). Waxayna beelo kale la wadaagaan magaca Reer Baay.

Waa beel aad u ballaaran oo leh taariikh fac weyn iyo saamayn weyn oo dhinacyada waxbarashada, diinta, iyo hoggaanka ah. Macallinweyne wuxuu caan ku yahay waxbarashada, Cilmiga iyo Culimada, sida uu ka muuqdo magaca "Macallinweyne; Maalinwiiné) oo la macno ah macallin weyn ama Bare Sarre taasoo muujinaysa in ay hiddeysanayaan ama ay ku arooraan Odey ku muumuusnaa Cilmi diineed iyo macallinnimo.

Macallinweyne waxa uu degaa gobolada Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gobolka Banaadir.

Macallinweyne wuxuu u kala baxaa Afar Jilib oo waaweyn oo kala ah:

  1. Heejewey (Reer Haaji)
  2. Hilmaamis
  3. Idimoole iyo
  4. Garwaale

Reerka Macallinweyne waxay si weyn u deganyihiin degmooyinla Luuq Ganaane, Baardheere, Yurkud, saakow, Waajid iyo Baydhabo.

Sidoo kale waxa ay degan yihiin Waqooyi-Bari gaar ahaan ismaamulka Mandheera iyo Deegaanka Soomalida itoobiya ee Gobolka Daawa iyo Liibaan.

Waxaay in badan deegaan wadaag yihiin beelo isagu jira Digil iyo Mirifle iyo Soomaalida kaleba.

Beesha Macallinweyne waxay u badan yihiin Beeraleey iyo Xoolo-dhaqato ah.