Madoobe nuunow mohamed,

Ka Wikipedia

TAARIIKHDA MADAXWEYNIHII 2aad EE KOONFUR GALBEED EE SOOMAALIYA .

Name: MUDANE MADOOWE NUUNOW MOHAMED

Madoowe nuunow mohamed madaxweynihii 2aad ee koonfur galbeed .

Waxaa uu ku dhashay Degmada Diinsoor. Sanadku markuu ahaa 1948kii. Waxbarashadiisa hoose dhexe Wuxu ku soo qaatay degamada Diinsoor sanadka marku aha 1960kii .1970 sanadka marku ahaa waxbarashadiisa sare wuxuu ku dhamaystay Degamada Hilwaa ee caasimada Moqadishu. Dabyaqadii 1970kii wuxuu tababar military ku qaatay xerada xalane ee magalada moqadishu. inta u dhaxaysay 1979 1980 wuxu shahada culuumta iyo siyaasada Ka qaatay machadka siyasada xalane magalada moqadishu . 1983 1984tii waxa kaloo qaatay shahada mamulka maareynta iyo xirfada siyaasada . 1960 1968 inta u dhaxaysay waxaa uu Ka mid ahaa xubin ururka dhalinyarada soomaaliyeed ee gobolka Bay . Laga soo bilaabo 1974 illa 1976kii waxa uu maamule Ka ahaa wasaarada arimaha gudaha ee gobalka Bay. 1976 kii Waxa loo badeley madaxa degmada Diinsoor ee gobalka bay . 1976 illa 1977 Waxa uu kamid ahaa madaxda arimaha gudaha ee marka loo soo gaabiyo SSC . 1980 kii illa 1981 wuxuu ahaa kaaliyaha 1aad ee xisbigii hanti wadaaga kacaanka somaliyeed ee degamada sablaale ee Gobolka shabeelaha hoose. 1981dii 1984 kii Waxa uu ahaa xoghayaha 1aad xisbigii hanti wadaaga kacanka somaliyeed ee degmada buulaxaawe ee gobalka Gedo. 1985kii madoowe nuunow waxaa uu ahaa Duqa magaalda Diinsoor. 1987dii Illa 1989kii wuxuu ahaa xooghaya 1aad ee xisbigii hanti wadaaga kacanka somaliyeed gudoomiyihii cadalle ee gobalka shabeelaha dhexe. 1995tii waxaa uu kamid ahaa aas aasiyasii Ururkii RRA ee Raxanweyn resistance Army ama jabhadi xureynta gobolada koonfur galbeed ee soomaaliya. 2001 dii illa 2012 kii Waxa uu kamid ahaa xildhibaan Ka tirsan barlamanka soomalaiya. Madoowe waxaa uu ahaa 2004 illa 2007 dii waziirka petroleum Ka soomaaliya . 2007 dii Illa 2008 wuxuu uu ahaa waziirka wazaarada warfaafinta ee soomaaliya . 2008 illa 2009 wuxuu kamid ahaa waziir katirsan Dastuurka arimaha ee federalka soomaaliya. 1 sano kadib 2011 illa 2012 wuxuu ahaa godoomiyaha gudiga dastuurka ee soomaaliya . 2012 kii waxaa uu kamid ahaa gudiga farsamada ee maamulka koonfur galbeed somali ya ama maamulka 6 da gobol ee southwest ee somaliya. 2012kii Illa 2014 kii waxaa uu qabtay xilka ugu sareeyo southwest of somali . Waxaa uu madaxweyne Ka ahaa koonfur galbeed ee Somalia sanadka 2012 kii illa 2014kii . Taariikhda madaxweynahii 2aad ee koonfur galbeed madoowe nuunow mohamed.