Malab

Ka Wikipedia

Malab (Af Ingiriis : honey; Af Carabi : ar‎) waa cunto macaan oo Shinida ka sameeso biyaha Sonkorta leh oo lagu magacaabo Nektar, waxaa dhalo Ubaxa. shinida waxee isku dartaa waxyaabo ee ka keento caloosheeda oo la dhaho Ensiim iyo biyaha ubaxa ee Nektarka ah. markaas neh waxee isku noqdaan malab macaan oo dhalaalaayo isla markaas neh waxee ka dhigaan wax dhegan.

Micnaha malabka Malabka aad oo u macaanyahay sababtoo ah waxaa ku jiro sonkor aad u badan. markiisa hore woo dheganyahay, laakiin haddii la kululeeyo woo dhalaala, haddii aa kuleelka kabadisid 40 °C, waxoo haleynaa waxyaabaha muhiimka ah oo malabka leeyahay. kalarka malabka waxoo ka imaaday Ubaxa. waxee ku xirantahay ubaxyaasha ee nekterka ka keenaan. kalarada waxee noqon karaan jaale biyobiyo ah ama cagaar madoobaad ah. laakiin dhadhanka waa isku mid, waxee ku xirantahay ubaxa ee ka sameeyeen.