Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale

Ka Wikipedia
Brigadier General Mohammed Adan Saqadhi
محمد آدم سقادي
Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale

Madaxweyne ku xigeen Saylici

Madaxweyne Muse Bihi Abdi

Macluumaad gaar ah


Shaqo ciidan

Garaadada General
Qaybta Somaliland Police Force
Hogaanada Brigadier General

Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) : waxa uu dhashay October 18,1967, waxa uu ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee Somaliland Sannadkii 1987 Wakhtigaas uu ka soo qayb qaatey halkanii Jamhuuriyada Somaliland lagu xoreeyay ee ururkii SNM kaga xoreeyay Taliskii Siyaad Barre.

bishii December ee 2011 waxa uu madaxweyne silaanyo u magacaabay hogaanka hawl-gelinta Ciidanka Qaranka. General Maxamed Aadan Saqadhi Dabagle waxa uu ka mid noqdey 12 sarkaal oo taariikhdu markay ahayd 2 February 2013 ee madaxawyne siilaanyo gudoonsiyey derajada Gaashanle sare, waxa xusid mudan in uu ahaa sarkaalkii ugu dada yaraa markaas.

2015 bishii may waxa uu ka mid sarkaalkani saddex sarkaal oo u dalacay derajada Janan Buuxa, generlkan waxa xilkii hawgalinta ciidmada qaranka laga badalay 2017 iyada oo loo magacabay latilyaha arrimaha militryga ee madaxweynaha,

Asaaskii Ciidanka Qaranka iyo Doorkii General Dabagale[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mohammed Adan Saqadhi (Dabagale)


Waxa uu ka mid ahaa Asaasayashii Ciidanaka Qaranka JSl

ee sanadkii 1994, Xilligaas oo xili Adag oo Qaranka lagu badbaadinaayey oo ay jireen xaalad amni darro, wakhtigaas waxa dib loo soo celinaayey kaabayashii dhaqaale ee dawladnimo sannadkii 1994 ilaa 1995 waxa uu Taliyaha Guutada kowaad oo ahayd guutada kaliya ee ka jiretay guud ahaan dalka oo odhan.

sanadkii 1995 ilaa 1997 waxa uu noqday abaandulaha xeebta galbeed iyo xubin saadka ah ee guutada lixdanaad ee isla galbeedka

1997 ilaa 2000 waxa uu noqday taliyaha guutada 17aad.

n intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2003 dabagale waxa uu noqday sarkaal ka tirsan waaxada hawl-Gelinta taliska guud ee Ciidanka Qaranka JSL. sanadkii 2005 ilaa 2008 waxa uu ahaa hogaan xigeenka taangiyada iyo gaadiidka gaashaman ee somaliland.

Safarkiisii Waxbarsho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

2004 Maxamed Aadan saqadhi Dabagle waxa uu baxay waxbarsho la xidhiidha Cilmiga Militryga ee dalka Ethiopa kuuliyada burso diridaba waxa uu ka qaatay shaadada militryga, 2008 ilaa 2011 waxa uu u baxay muddo saddex sano ah waxbarsho la xidhiidha arrimaha militryga kuuliyada ku taal Ethiopia oo la yidha ethiopia defence college waxa ka diyaariyey shaahada degree of military science and leadership.