Nabad

Ka Wikipedia
dhul nabad ah

Nabad (Af Ingiriis : peace; Af Carabi : ar‎) waa xiliga xasiloonida iyo degenaashaha, ereyga NABADA waa af-garad ka soo horjeeda Dagaalka iyo qarbudaada ka dhex aloosma qowmiyadaha, ama dabaqadaha bulshada, ama dowladaha tartamaya, sooyaalka waxaa ka muuqanaya in badanka aadanuhu u janjeeraan dhinaca nabada, iyo ka talinta xasiloonida, iyagoo dejinaya booskii xasilooni darida iyo qalaanqalka dagaalka, sida la wada ogyahay nabadu waa tan joogtada ahaata waqti dheerna jirta, nabada ayaa waxaa la socda horumar iyo koboc dhinac walba taabanaya,  dagaalka iyo dhibta ayaa lid ku ah marwalba xasiloonida ka dhalata nabada kiiyoo aan la jaan qaadi karin horumarka iyo ilbaxnimada.

Nabada wanaageeda qaalinimadeed iyo lama huraanimada ay u tahay bulshada, maadiga ruuxda iyo guud ahaan nolosha ma garan karo qof aan u soo joogin balaayada dagaalka iyo dhibta uu leeyahay. nabada iyo amaanka ayaa aasaas lama huraan iyo shardi u ah ah horumarka , koboca iyo ilbaxnimada oo dhan.

soomaalida oo ah dad nabada iyo dagaalka labadaba yaqaan ayaan la soo koobi karin  murtida ay ka sameeyeen nabada waxaa ka mida

maahmaahyaha soomaalida

  • Nabad la'aani waa nolol la'aan.
  • Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yaraa
  • Nabad baa naas la nuugo leh

Tix baa ahayd

Haddan dunida nabad iyo

Daganaansho lagu ladin

Fooqyada daruuraha

La darsayba daayoo

Dabaq lama dhiseenbee

In ammaanku daawiyo

Dabiib iyo wanaag yahay

Inu doogta biiyuu

Dakharada bogsiiyuu

Dabayl caafimaad yahay

Dareenkeedu dhaadyoo

Diritii sokeeyiyo

Xiligii dagaaladu

Dalkan ay ka dhacayeen

Darxumaynu aragnoo

Dacas baan la kulanee

Diihaalki wuxu ba’ay

Dooyaysi goortii

Dood loo fadhiistee

Xasilooni daa’ima

Idinka Alle dabadii

Lagu duugay qalinkee

Dabbaabaad la hiifee

Dagta qori sudhnaan jiray

Dawlada lagu wareejee[1]

Nabada ayaa aduunka laga wada ogyahay waxa ay gasho iyo waxa ay gudo labadaba, nolosha la noolyahayba waa nabada iyo naxariista, la'aanteedna waa colaad iyo col u joog.

Yehowah nabad buu mar dhow binuʼaadanka u soo celin doonaa.[2]

sidoo kale eeg[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Islaam

horumar

ilbaxnimo

midnimada

hashiiska

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Nuqul Archive somalilandpatriots.com
  2. Markhaatiyaasha Yehowah Maxay Aamminsan Yihiin?