Portal:Falsafad

Ka Wikipedia

Falsafaddu waa eray (Greek φιλοσοφία, philosophia, lana mid ah "Xikmad Jacayl") waana Barashada arimaha gundhiga u ah dhibaatooyinka (mushkiladaha) quseeya nolasha iyo waxkastaba sida Jiritaanka, Aqoonta, Sababaynta, Maskaxda, Qiimaynta, Bulshowayta, Xeerarka IWM. Erayga Falsafad sida loo malaynayo waxa soosaaray Pythagoras [Baytagores] (c. 570–495 BCE). Qaababka Falsafada waxa kamid ah Su'aalaynta waxwalba, iyo in si aad an looga doodo, Murangalin adag, iyo xitaa qaab waydiimeed oo taxan. Waydiimihii caanka noqday ee Falsafada waxa kamid ah: Suurta gal ma tahay inaad wax aad ogaatay cadaynkartid (si Caqli gal ah)? waamaxay waxa ugu dhabsani (runsan, aanay cidna diidi karin)? Si kastaba aqoonyahanada Falsafadu mararka qaar waxay iswaydiiyaan su'aalo Shaqo-gal ah sida: May jirtaa qaab ugu fiican oo loo noolaan karo? Keebaa fiican inaad Cadaalad ama Cadaaladaro ku dhaqanto(Hadaan laguu qabsanayn? Dadku doonis gaar ah maleeyihiin (xor ah).