Portal:Fiisikis/Aqoonyahan

Ka Wikipedia

Albert Einstein waxa uu ahaa nin aad ugu takhasusay cilmiga fiisikiska waxa uu dhashay 14 marso, 1879. Waxa uu dhintay 18 Abril, 1955. Waxa uu u dhashay wadanka Jarmalka aabihii iyo hooyadiiba waxay ahaayeen yuhuud waxa uu helay dhalashooyinka maraykanka iyo iswiisarland waxa uu ku guulaystay 1921 abaal marinta looyaqaano nobelka kadib markii la'asaasay dawladda Israaiil waxaa loosoo bandhigay in uu noqdo.madaxwaynaha.israaiil.laakiin wuu diiday.isaga oo jeclaa in aanuu dhexgelin siyaasada waxa uu in badan kahadlay in yahuuda iyo falastiiniyiintu ay nabad kuwada noolaadaan falstiin.

waxa uu ku dhashay magaalada olam laakiin nolashiisa inta badan waxa uu ku qaatay magaalada muyinkh aabihii waxa uu kashaqayn jiray baalka lagasameeyo barkimooyinka. in kasta oo uu ahaa yuhuudi hadana waxa uu wax kabartay dugsiga bilawga ha ee ay maamuli jiraty kaniisadda kaatooligga laakiin wuu diiday oo wuu kasoo horjeeday, fikarada ilaaha qofka ah, sidookale waxa uu kasoo horjeeday, diin oodhan subxaana laah, albert waxa uu kusoo caanbaxay ama uu heerka kagaadhay waa cilmiga Fiisikiska oo si wayn loogu qadariyo ilaa hada waxaa kale oo uu bartay garaaca muusiga, waxaa kaloo lagu xusuustaa E=mc2

... (Sii aqri..).