Portal:Qowmiyadda Soomaalida/Hordhac

Ka Wikipedia
Qawmiyadda Soomaalida
Qawmiyadda Soomaalida

Qowmiyadda Soomaalida Waxaa la rumaysanyahay Dadka soomaaliyeed in ay yihiin dad dhaqan mideeysan leh sida Afka soomaaliga hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhda iyo Diinta islaamka waxaa taa u dheer isi saamaxaadda. Qowmiyadda Soomaalida loolama jeedo caburin ama fogeyn kuwa kale ee aan soomaalida ahayn ee ku dhex nool soomaalida, waxayna ugu baaqaysaa hab demoqraadi ah oo suurtagalinaysa sinnaanta xuquuqda muwaadinnimo dhammaan ruux kasta iyadoon loo eegin asal ahaan halka uu ka soo jeedo ama midabkiisa ama argtiyadooda siyaasadeed ama fikirka. Midnimada umadda soomaaliyeed waa hiigsiga ugu badnaan ay ku taamayaan wadaniyiinta soomaaliyeed.

Qeexista cusub ee qowmiyadda Soomaalida raadintii Soomaaliweyn taasoo ujeedkeedu ahaa midnimada Soomaaliweyn xag siyaasadeed, dhaqaale, isu socodka dadka iyo bayacmushtaka, dhammaan meel kasta oo ay soomaalidu joogto waxaa kale oo dheeraad ah iskaashi midaysan lala yeesho qomiyadaha bah-wadaagta la ah umadda soomaaliyeed, ugu yaraan si hurumar loo gaaro.