QAAMUUSKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED

Ka Wikipedia

Qaamuuska Ciiidanka

1.Abbaanduul: Cilmiga barashada hoggaaminta ciidamada xagga dagaalka.

2.Abbaanduule: 1. Qof taliye ku xigeen u ah col duullaan ah. 2. Taliye xigeenka gaas, guuto, qayb iwm ee ciidamada.

3.Afgembi: Hab aan sharci ahayn oo dowlad dhisan lagu beddelo; inqilaab.

4.Akademiye: Dugsi sare oo qaabilsan carbiska ciidamada.

5.Alifle: Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo darajadiisu hal alif tahay.

6.Amar: Erey ama weer cid lagu farayo inay hawl fuliso.

7.Ammaan: Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale.

8.Argaggixiso: Dad hubaysan oo argaggax dadka ku rida ama dila.

9.Askari: Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin sida dable. 2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaba ha lahaado).

10.Askarmaroodi: . Qof aan ahayn shaqaale rasmi ah oo mararka qaarkood uu adeege ka yahay isbitaal, xero militari iwm. 2. Qof askari ahaan loo adeegsan jiray mararka qaarkood miyiga wax ka qaban jiray.

11.Baas: Warqad aqoonsi oo lagu galo meel gaar ah sida xeryaha ciidamada, dekedaha iwm. Rasaas si is daba joog ah u dhacda.

12.Bandow: Amar dowladeed oo ku xukumayo dad magaalo deggan inaanay isu socon waqti go'an nabadgalyo awgeed.

13.Basaas: . Qof sir cidi leedahay raadiya una gudbiya cid kale oo ay dan u tahay.

14.Bastoolad: Hubka fudud nooc ka mid ah xabbado ka dhacaan jeebka lagu qaadan karo oo gacanta laga rido.

15.Baxsad: qof meel lagu ogaa si sharcidarro ah uga fakaday meeshi lagu ogaa.

16.Bayl: Suun ballaaran, cad oo dun ama maqaar ka samaysan oo ay ciidamadu qaataan.

17.Beddel: Wareejinta askari meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo.

18.Beynaad: Bir mindida u eg oo labada dhinac af ku leh oo buntukha afkiisa la suro.

19.Birmad: Ciidan hubaysan oo lagu xoojiyo ciidan kale oo dagaal ku jira ama dhibaataysan.

20.Carbis: Xero ciidan oo wax lagu tababbaro.

21.Ciidan: Xoog abaabulan, hubeysan oo qaran u qaabbilsan difaaca dalka.

22.Cimil: Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado.

23.Dabaggal: 1. Baaris qoto dheer oo lagu sameeyo wax qarsoon oo la doonayo in la hubsado. 2. Ciidanka nabadsugidda qayb ka mid ah oo qabilsan la socoshada arrimaha dibloomaaysiyiinta.

24.Daballaab: Buntuq boobe ah, fudud oo daabkiisu bir xalleefsan ka samaysanyahay.

25.Dabgaab: 1. Hub meel gaaban wax ka dila. 2. Ciidan haysta hubka noocaas ah.

26.Dabin: Bir, siriq, god iwm oo loo dhigo nafleyda si loo qabto

27.Dabinqool: Siriqda xarigga la rabo in wax lagu qabto.

28.Dable: Askari aan derajo lahayn.

29.Dabley: Dad hub haysta.

30.Dabrid: Tababbar ciidamada la siiyo oo lagu baro habka xabbado rididda.

31.Dabweyn: Hub culus oo lagu dagaalamo.

32.Dagaal: Iska horimaad af ama addin ah, waxyeello lays gaarsiiyo oo dhexmara laba qof ama ka badan.

33.Daljir: Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo qaabilsan difaaca dalka

34.Dallacaad: Derejo qof la siiyo oo ka sarreysa tiisii hore.

35.Dammaad: Wareer culus oo qofku kala garan waayo meesha iyo waqtiga uu joogo.

36.Daraawiish: Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga.

37.Darandoorri: fal aan si kala go' lahayn u dhaca.Rasaasta iwm.

38.Darandoorrin: Nooc ciyaarsiiska ka mid ah oo uu ciidanka taagani si aan kala go' lahayn cagaha dhulka ula dhaco.

39.Dhabarjebin: Gadaal ka soo wareerid (cadaw iwm).

40.Dhabbaggal: Jid-gooyo lagu sameeyo ciidan kolonyo ah oo hayaan ku jira.

41.Dhamme: Sarkaal saddex xiddigood leh(kabtan).

42.Dhoollatus: Xoogga ciidan leeyahay muujintiisa si cadowgu u arko looguna niyad jebiyo.

43.Dhufays: Hog dhulka laga jeexo oo askartu waqtiga dagaalka xabbadda kaga gabbadaan.

44.Dibuggurasho: Xeelad dagaal oo ciidanku adeegsado marka uu ka cabsi qabo weeraro culus.

45.Digtoonow: Askari si toosan u taagan oo labadiisa lugood si siman isu garab yaalliin gacmihiisana jirkiisa ku dhagan yihiin diyaarna u ah inuu fuliyo amarada la faro.

46.Dishibiliin: Asluubta iyo dhaqanka wanaagsan ee askarta.

47.Duullaan: col in ay dagaal qaadaan u socda.

48.Fakad: qof meel uu joogey fasax la'aan ka tegey.

49.Fallaago: Dad hubaysan oo dawlad ka fakaday oo duur ku jir ah.

50.Fooq: Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto.

51.Gaade: Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan.

52.Gaafmeer: Socodka uu ciidanku sameeyo isaga oo iska ilaalinayo in ay cidi aragto.

53.Gaardi: Socod habeysan oo tallaabada la isla helayo oo ciidammada u gaar ah.

54.Gaarhaye: Qof loo xilsaaray inuu ilaaliyo madax, guri, xafiis ama howl gaar ah ilaaliyo iwm.

55.Gaas: Ciidamo badan oo hal meel laga xukumo.

56.Gaashaaman: ciidan hubka uu isku difaaci lahaa u dhanyahahay ama wata gaadiid qanfilan.

57.Gaashaambuur: dowlado dhawr ah oo ciidamada isku darsaday oo xooggooda mideeyay.

58.Gaashaan: Qalab bir ama harag adag ah, oo looga gabbado riddada warmaha, fallaaraha iwm.

59.Gaashaandhig: Quwadda dal u qaabbilsan arimaha militariga ama in ay ka difaacdo cadowga dibadda.

60.Gaashaanle: Darajada ciidan oo u dhexeysa dhamme iyo gaashaanle-dhexe.

61.Gadood: Kacdoon ciidan badani sameeyaan, iyagoo si adag uga dhiidhinaya wax ay diiddanyihiin.

62.Gantaal: Qalab ama hub halis ah oo meel fog wax ka dila.

63.Guluf: Ciidan dagaal gelin. Koox yar oo fardooley ah dagaal aadid. Orod aan xawli ahayn oo waqtiga dhiillada iyo colaadda la sameeyo.

64.Gurmad: koox ka mid ah ciidanka oo heegan u ah inay caawiso Ciidan dagaal ku jira.

65.Guul: Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado.

66.Guuldarro: Ku fashilmidda dagaal, tartan iwm lagu fashilmo.

67.Halgan: Hawl ama wax kale oo qabashadooda loo dagaallamo ama loollan loo galo.

68.Hayaan:socod qaabaysan oo ciidanku u socdaan marka ay dagaal aadayaan.

69.Heegan:Ciidan diyaar u ah inay howl qabtaan, askari ilaalin u xilsaaran, sarkaal ka masuul ah shaqada 24ta saac oo xariirta.

70.Huwan: ciidan dalal kaladuwan ah oo dano gaar ah heshiis ku ah.

71.Jaasuus: Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm).

72.Khariidad: Naqshad warqad iwm lagu sameeyo oo muujineysa dhulka oo dhan ama qeyb ka mid ah.

73.Kolonyo: ciidan gadiid wata oo safar dhulka ah ku socda.

74.Koontorool: goob wax lagu baaro si amniga loo xaqiijiyo.

75.Koofiyad: Shey ka samaysan dhar iwm. oo ciidanku madaxa gashadaan.

76.Koox: Tiro isku duuban oo ciidan ah.

77.Kulliyad:Qeyb kamid ah goobaha carbiska ciidamada gaar ahaan saraakiisha iyo saraakiil xigeenada.

78.Layli: Tababbaridda qof loo tababbaro hawl gaar ah.

79.Madfac: Qalab hubka waaweyn oo lagu dagaallamo ka mid ah, ka samaysan birlab ama macdan kale oo adag, lehna dhuun dheer oo ay ka ridmaan jaliilado qarxada oo wax guba waxna burburiya.

80.Miino: Qalab gudihiisa wax qarxa ka buuxaan oo loogu talo galay in lagu burburiyo, dhismo, dhagax,waxyeelo loogu geysto cadowga si loo hakiyo isisocodkooda iwm.

81.Naastro: . Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo.

82.Nabadsugid: Ciidan ka tirsan ciidammada qalabka sida oo u xilasaaran la socoshada deggenaanta iyo nabadgelyada dalka.

83.Naftiihure: qof naftiisa u hibeeya difaaca dalkiisa, dadkiisa, dantiisa iwm.

84.Raadeer: Qalab dareema meesha iyo jihada socodka ee walxo meel fog maraya sida maraakiibtt, dayaara-daha iyo hubka qaar sida ganaalaha ridada dheer.

85.Sahan: qof meel loo diro si uu uga war keeno.

86.Sahay: Cunto loo qaato in lagu jidma-ro 87.Saldhig: Meel ciidan xarun u ah.

88.Shiish: Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la tooganayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro.

89.Shirqool: Tashi qarsoodi ah oo loola jeedo in cid lagu dilo ama lagu waxyeelleeyo.

90.Tababbar: Tabo aqooneed oo gaar ah oo askarta la baro.

91.Talis:Qeybta guud ee marwalba laga xukumo Ciidanka.

92.Taliye: Qof qayb ciidan ah madax u ah.

93.Taraafiko: Qayb ciidanka booliska ka tirsan oo qaabilsan nabadgelyada waddooyinka.

94.Unug:Qeyb kamida Ciidanka kana kooban 9 qof.

95.Urur: Seddax horimood oo ciidan ah.

96. Weerar: Dagaalka ciidanka cadawga lagu qaado.

97.Xabbad: Rasaasta buntukha laga rido middeed.

98.Xabbis: Dadka dembiga gala, meesha lagu xiro oo lagu hayo; xarig.

99.Xiddigle: Sargaal ciidan oo hal xiddig leh.

100.Dabaabaad:waa tiknikada culus iyo Hubka culus ee ciidanka isticmaalaan