Qabiil

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Kani waa maqaal ku saabsan qabiilka guud ahaan. Qoraalkani ma khuseeyo, kama hadlayo qolo ama qabiil gaar ah.
Boga beel waxaa laga soo toosiyey halkan.

Qabiil, Qollo (ingiriis: tribe; carabi: قبيلة) sidoo kale loo yaqaano beel waa guuto dad ah oo uu ka dhexeeyo dan guud, heyb, magac, dhiig, isir iyo farac raac. Meelaha qaa r ereyga "Qabiil" waxaa lagu micneeyaa in uu ka turjumaayo dad wadaaga dan guud, meel wada degan ama fikir iyo siyaasad ka mideeysan. Wadanka Soomaaliya qabiilku micne gaar ah ayuu ku leeyahay. Dadka Soomaalidu waxay u isticmaalaan qabiilka ineey isku aqoonsadaan oo heyb iyo isir ahaan isku ogaadaan. In kastoo micnoyaal iyo ujeedooyin badan loo isticmaalo qabiilka; tan la isku waafaqsan yahay waa in qabiilku yahay "dad isku isir ah,wadaaga magac,deegaan, gobol iyo heyb u gaar ah".