Qasabkii Bile Rafle

Ka Wikipedia

Qasabkii Bile Rafle waxaa uu ahaa barnaamijyo adeeg Howlaha Guud oo loogu magacdaray Bile Rafle Guuleed oo dhowr gobol ka noqday gudoomiye gobol mudadii u dhexaysay 1972 ilaa horaantii 1980yadii. Maamulkii Kacaanka ayuu Sareeyo Guuto Bile Rafle Guuleed ku gaaray ilaa heer wasiir noqdayna Wasiirka Beeraha[dead link].

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Khasabka Bile Rafle Guuleed waxay ahaayeen barnamijyo si wanaagsan u fulay oo uu qabtay Bile Rafle oo ka mid ahaa shaqsiyaaad xil dowladeed hayay oo si la yaqaan ugu soo shaqeeyay bulshada Soomaaliyeed iyada oo dowladii Kacaanka oo sidoo kale boqolaal kun oo qof waxbarasho ilaa heer jaamacadeed ah ay bulshada lacag la'aan ku wax bartay.

"Khasabkii Bile Rafle" waxaa uu horaantii 1972 ka bilowday Gaalkacyo oo ah xarunta Gobolka Mudug halkaas oo uu maamuulkii gobolka Mudug oo uu horkacayay Bile Rafle Guuleed ku amray gaadiid walba oo soo gala gobolka, gaar ahaan soo gala Gaalkacyo uu keeno 3 rar oo ciid ama caro gaduudan iyada oo dhamaan wadooyinka halbowlaha u ah magaalada Gaalkacyo lagu daadiyay. Waxaa Qasabka Bile Rafle ama Khasabkii Bile Rafle xigay barnaamij naqashadayn iyo hirgelin wadooyin degmada Burco, Ol ole nadaafad magaalada Hargaysa iyo Beertii Bile Rafle oo laga hirgeliyay bartamaha magaalada Hargaysa.

Magac bixii "Qasabkii Bile Rafle" oo howlihii Bile Rafle Guuleed uu filiyay loogu magac daray jardiinooyin iyo [ http://www.galmudugnews.com/2011/02/19/ardayda-dugsiga-sare-ee-s-y-l-oo-howl-kafuliyey-widka-bile-rafle-ee-gaalkacyo/[dead link] wadooyin] ku kala yaal Gaalkacyo iyo Haraysa. Howlaha iskaa wax u qabso ee uu Bile Rafle bulshada u fuliyay waxay ka bilowdeen Gaalkgacyo. Qariirad ahaan magaalada Gaalkacyo waxay dhacdaa 750 koonfurta caasimada Muqdisho waxaana ay magaalada Gaalkacyo ku taal barmataha jidwaynaha isku xira koonfur iyo waqooyi ee wadanka.

Waxaa xigay in Bile Rafle Guuleed uu ka helo dowlada dhexe ee Soomaaliya in gaadiidka dowlada ka helo rar ciid dhoobay ah oo laga soo daabuleeyo Gobolka Hiiraan halka ciida gaduudan ama cas laga keeni jiray aagaga Caabudwaaq iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Muuqaalkii magaalada Gaalkacyo oo dhan ayaa is badalay oo dhulkii wuxuu noqday mid indhaha aadanaha u roon halka caadiyan ay magaalada lahayd ciid aad u cad oo qofka cawiraysa kolka ay qoraxda qabato falaaraha rogaalcelinta ay indhaha gaaraana uu qofku dhibsanayo muuqaalkaas ka imaanaya ciida cad ee baboolka ah wadooyinka magaaladana bus cad ay ka kacaaysay.

Barnaamijyadii waxtarka lahaa ee maamuladii gobole ee Bile Rafle wuxuu socday mudo 10 sano ka badan. Waxaa ka hirgalay guud ahaan Soomaaliya barnaamijyo badan oo "Iskaa Wax u Qabso" ah kuwaas uu ugu caansanaa barnmaaijkii Bacaadcelinta Shalaanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ku Dayasho Bulshada Gaalkacyo[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mudo aad u yar ka dib ayaa la ogaaday howsha uu gudoomiye Bile Rafle Guuleed uu ku soo kordhiyay magaalada Gaalkacyo iyada oo dhir iyo bilic cusub ay yeelatay magaaladii busta ciida bakoolka ah ka kici jirtay. Dadkii degenaa magaalada waxay bilaabeen in qof walba gurigiisa ku daadiyo kaariyo ciid gaduudan ka dibna geed iyo labo ku beerto. Bile Rafle wuxuu qof walba oo degenaa guri wado haysto ku amray inuu 15 mitir ku shubo ciid gaduudan si ay u daboosho ciida bakoolka cad ee indhaha cawirsaysa.

Khasabkii Bile Rafle ee Burco iyo Hargaysa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ka dib markii 1972dii barnaamijyadii Howlaha Guud ee Gaalkacyo ee gudoomiye Bile Rafle Guuleed uu fuliyay lagu guulaysatay, ayaa waxaa dhacday in Bile Rafle loo badalo xarunta gobolka Togdheer ee Burco halaas oo magaalada oo isku raran ahayd uu ku dhigay mid cabiran oo wadooyin qumaati ah leh.

Ka dib ayaa xarunta gobolka Waqooyi Galbeed ee Hargaysa loo badalay iyada oo jardiinkii ama beertii ugu waynayd magaalada Hargaysa uu ka hirgeliyay gudoomiye Bile Rafle Guuleed. Dhul qarni qabuuro ahaa oo xitaa lafihii ay ciidoobeen oo bartamaha magaalada ku yiilay ayuu cagaf cagaf geliyay iyada oo beer cusub oo dhir iyo dhismayaal iyo kuraas dhagax ah oo lagu nasto uu ka dhisay beeertaas oo reer Hargaysa ay ugu magac dareen "Beerta Bile Rafle." Ka hor xadiiqada Bile Rafle ee Hargaysa aan la dhisin, waxaa reer Hargaysa la baray sida qashinka la iskaga ururiyo iyada oo reer walba lagu khasbay inay aroor walba iska nadiifiyaan qashinka una diyaariyaan gaari dowlada ay leedahay oo maalin walba ururiya qashinka.


Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]