Qormo saynis

Ka Wikipedia

Qormo Saynis Culimada saynisku waxay isticmaalaan qormada sayniska si ay u qori karaan tirooyinka aad u waa weyn iyo kuwa aad u yar yar sida xawaaraha ilaysku uu hawada ku maro oo ah 29,900,000,000 sentimitir sanadkiiba, ama cufka Borotoonka oo ah 0.000,000,000,000,000,000,000,001,65 oo graam. Haddii tirooyinla loo qorosida caadiga ah, meel weyn bay qaadanayaan akhrigoodana wuu adkaanayaa. Markaa waxaa wanaagsan in la isticmaalo qormada sayniska. Tirada hore oo ah 29,900,000,000 waxay noqonaysaa 2.99 x 1010, ta dambe oo ah 0.000,000,000,000,000,000,000,001,65 waxay noqonaysaa 1.65 x 10−24.

Tirada qormo saynis ku qoranwaxay ka koobantahay tiro ka weyn ama le'eg kow, kana yar toban oo lagu dhuftay toban abyooneku jibaaran. Waxaa kale oo aan dhihi karnaa, tirada uqoran qormo saynis waa tiro leh hal god oo aan eber ahayn oo bidix ka xiga barta jajab tobanlaha, waxayna ku dhufsan tahay toban ku jibaaran abyoone togan ama abyoone taban.

Tusaale ahaan, haddii aan rabno in aan u qorno xawaaraha ilayska oo ah 29,900,000,000, habka qormada sayniska waxaan u raraynaa barta jajab tobanlaha sagaalka iyo labada dhexdooda, waxaynu ku dhufanaynaa toban ku jibaran toban. Marka wuxuu noqonayaa 2.99 x 1010. U fiirso in 2.99 ay tahay tiro toban ka yar, kowna ka weyn, ama ay tahay tiro god kaliyihi bidix ka xigo barta jajab tobanlaha, tobanka ku jibaaran tobanku waa inta god ee barta jajab tabanlaha loo raray xagga bidix.

Cufka Borotoonka oo ah 0.000,000,000,000,000,000,000,001,65 marka loo qoro qormo sayniswuxuu noqonayaa 1.65 x 10−24. U fiirso in 1.65 ay tahay tiro ka yar toban kana weyn hal, ama tiro qod qurihi bidix ka xigo barta jajab tobanlahan. Afarta iyo labaantanka (-24) waxay tilmaamaysa inta god ee barta jajab tobanlaha midig loo raray. Haddii barta jajab tobanlaha loo raro bidix, jajab tobanku wuxuu noqonayaa abyoone togan, haddii midig loo rarana jibbaarka tobanku wuxuu noqonayaa abyoone taban.

Tusaale ahaan, haddii aan rabno in aan u qorno tirada 3713.427 habka qormada sayniska waxay noqonaysaa 3.713427 x 103. Haddii aad eegtitd 3.713427 waa tiro ka weyn hal kana yar tobanama god qurihi bidix ka xigo barta jajab tobanlaha. Saddexda tobanka ku jibbaarani waxay sheegeeysaa inta god ee barta bidix loo raray.

Hadd aan xeerkii jajab tobanlaha dib ugu noqono, waxaan arkaynaa in 3713.427 ay la mid tahay3.71347 x 1000. Kun 1000 waxay la mid tahay 10 x 10 x 10 am 103.

Tusaale kale, haddii la rabo in 0.0002701 loo qoro habka qormo saynis waxay noqonaysaa 2.701 x 10-4. 2.701 waa tiro god qurihi barta jajab tobanlaha bidix ka xigo afarta taban (-4) ee tobanka ku jibaarani waxay tilmaameeysaa inta god ee barta midig loo raray.

Haddii aan u fiirsanno xiriirka ka dhexeeya jajab tobanlaha jibbaarrada iyo qormada sayniska, waxaan arkaynaa in 0.0002701 ay la mid tahay ama 2.701 x . Isla markaa waxay la mid tahay 1 x ama waxay la mid tahay 10-4, waayoo qeexda tirada ku jibbaaran tiro taban bay ahayd sida hoos ku qoran a-n = :, haddii a iyo n ay yihiin abyoonayaal togan. Markaa haddii qeexda aan raacno, 10-4 waxay la mid tahay :