Raagge Ceele

Ka Wikipedia

Raageceelle

Degmada_Raageceelle

Waa mid ka mid ah degmooyinka dhanka bari ee Gobalka Shabeellada_dhexe ee maamul gobaleedka Hirshabelle , waxa ay ku jirtaa magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ugu yaraan108KM , ugu badnaan 115KM ee dhanka waqooyi.

Magaca Degmada_iyo_sida_uu_ku_baxay

Waxaa loogu magac daray Shakhsi lagu magacaabi jiray - Allah ha u naxariistee - "#Raage_Maxamed_Iidle_Abroone_Cali".

Adeer Raage faraciisa isaga iyo dadki la qarniga ahaa waxa ay marayaan 7 fac (Toddoba jiil).

Waxa uu daganaa goobtaan hadda lagu magacaabo #Raageceelle , waxa uu qoday Ceel , sidaa darteed ayaa magaciisi loo raaciyay ceelki oo magaciisi isu badalay "Raageceelle" (Raagihi Ceelka lahaa) .

Ceelkaas waa la'aasay (Duugay) kadib marki uu muran dhex maray Raage iyo nin qaraabo lahaa oo lahaa "Beer" xoogaa meel taag (Buur) ah ku taallay,  oo xilliyada roobka ay biyaha ka soo daadaan (Hoori) jireen soona galaan Ceelki Raagi , kadibna waxa ay ku doodeen Biyaha anigaa leh oo beerteyda ayey ka yimaadeen iyo anigaa leh oo ay Ceelkeyga ayey ku jiraan, kadibna waxaa khilaafkaas xalliyay xeer beegtidi (Oday dhaqameedki) xilligaa joogtay oo go,aamiyay in la aaso Ceelka , si aysan dhibaato ka weyn uga dhalan.

Hadda waxaa jirto goob lagu magacaabo "Dhisti Raageceelle " oo ku taallo magaalada banaankeeda bari,  waxaana ku yaallo Eeg (Balli).


Taariikhda_la_aasaasay_degmada_Raage_Ceelle

Degmada Raage-Celle waxaa la aasaasay sanadki 1602-dii (Kun lix boqol iyo labadi) Miilaadiyada, waa qarnigi 17-aad, kuna beegneyd 1011-di (Kun tuban iyo kowgi) Hijriyada oo ah qarnigi 11-aad.

Sidoo kale waxaa jirto aragti ay qabaan qaar ka mid ah aqoonyahannada ka soo jeedo degmada,  taasoo sheegeyso in sanadka hijriga uu ahaa 1024 (Kun labaatan iyo afarti).

Sidoo kale waxaa jirto aragti sheegeyso in aan si rasmi ah loo ogeyn taarikhda la aasaasay goobtaan hadda loo yaqaanno Degmada #Raageceelle , waxaana laga yaabaa in taariikhdeedu ka fog tahay toddoba fac iyo taariikhda kor ku xusan, oo waxaa la sheegay inti aan ku guda jiray baaritaanka taariikhda degmadaan in ay ka mid aheyd goobihi ay ka talin jirtay boqortooyadii  #Ajuuraan oo curatay qarnigii 13-aad , bur-burtayna dhammaadki qarnigii 17-aad, sida la ogyahayna taageero ka heli jirtay #Dowladdi_Cusmaaniyyiinta ee #Turkiga waxa ayna dagaallo badan la gashay dad soomaalida daris lahaa iyo kuwo dool (dhoof) ku yimid sida: #Oromada_iyo_Burtuqaalki .

Astaamaha muujinayo in Ajuraan xukumi jiray degmadaan waxaa ka mid ah carrada madowga ah ee taallo afaafka hore oo ay ku yaallaan Eegta (Balliyada), lagana galo degmada marka laga socdo dhanka Muqdisho , taasoo qaar ka mid ah odyaasha ay ii sheegeen in laga keenay dhulka dhoobeeyda ah gaar ahaan degmada #Jowhar , waliba si qasab ah oo loogu soo xamaalay dad dusha ku soo qaaday Jowhar - Raageceelle.

Wali ma helin magicii waagaa loo yaqaannay degmadaan iyo ujeedadi ay ka laheyd Dowladdi Ajuraan soo daabulidda carradaan madowga ah maadaama degmada ay ku taallo dhul carra cad ah, lkn falkaas waxa uu ka mid ahaa tacaddiyadi ay geysatay waagi dambana sababay in ay bur-burto dhmmaadki qarnigii 17-aad, kadib kacdoonki shacab ee la xusuusto taariikh ahaan .

#Deegaannada_hoostago_Degmada_Raageceelle

Sida la ogyahay ma jiraan xuduud calaameysan oo ay leeyihiin degmooyinka goballada intooda badan, degmada Raageceellana waxa ay ka mid tahay degmoyinkaas , balse waxaa la ogyahay degmooyinka qadiimiga ah oo ay xadka la wadaagto:

- Dhanka galbeed: degmada #Jowhar

- Dhanka koonfur: degmada #Balcad

- Dhanka waqooyi bari: degmada #Cadale

- Dhanka waqooyi: degmada #Aadan_yaabaal

Marka laga hadlayo deegaannada waxaa hoostago degmada Raage-Ceelle deegaanno Tuulooyin ah iyo kuwo aan tuulooyin aheyn waxaana ka mid ah:

B- Dhanka waqooyi:

1.Xawaal duubile

2- Geyfo

3.Galdhabo

4. Boos Muluq

5.Garas Ismaan Cumar

6.Waabooley

7.Biyo madobe

8 Burdheere.

9- Tuula xumeey

T- Dhanka galbeed:

1.Qoordhere

2.Daba gaab

3.Tub-laabe

4.Canta Maluug

5. Daylabale

6.Gal-siyaad

7.Baar Maale

8- Calaag

9- Aqabley

10- Maraweyn  

J- Dhanka koofur:

1.Bakad Jeex

2.Feer feer

3.War-Kullan

4.Garas Dhere

5.Fullanshe

6.Baraakada Hassan Badi / Boos Maxaa mahdi

7- Masaajid

8- Gaaladle

X- Dhanka Bari:

1- Meyraaleey

2.Ceel dheere Madobe

3.Bashaqle

#Dadka_Degmada_Raageceelle

Waxaa dego degmada Raageceelle %97 #Beesha_Yuusuf_Galmaax_Yoonis oo Gaar ahaan Maxamed muuse, oo ka mid ah beelaha #Wacbuudhan_Abgaal, sidoo kale beeshu waxa ay degtaa degmada #Jowhar iyo deegaanka #Geed_Faqay oo ka wada tirsan Gobalka Sh/dhexe.

Sidoo kale waxa ay degtaa degmooyin iyo deegaanno ka tirsan goballada dalka Soomaaliya sida: Boqolsoon , Balcad , Baraawe , Ceelasha biyaha, Muqdisho iyo deegaanno kale .