Reer Aw Xassan

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Taariikhda Iyo Deegaanada Beesha Reer Aw Xassan[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Abtirka Reer Aw Xassan.jpg

Reer Aw Xassan(Af-ingiriisi;Rer Aw Hassan)Waa Beel Soomaaliyeed oo asal ahaan Asharaaf ah,waxay kamid yihihiin 7 da qabiil ee Soomaalida ah ee aan Dir, Daarood iyo Hawiye midna aheyn ee iskood utaagan sida Ugeyslabe, Ajuuraan,Reer Banaadiriga.Waa dad culimo ah oo ku caan ah Faafinta iyo barida Diinta Islaamka oo ay aqoon xeel dheer oo ab kasoo gaar ah uleeyihiin.Waxa ay kasoo farcameen Sheekh Xasan Kaweyne oo isagu ku dhashay magaalada Zeylac ee waqooyiga Soomaaliya sanadkii 840 kii Hijriyada, waxa uuna dhintay sanadkii 915 hijriyada oo kubeegan 1495 miilaadiyada wuxuu ku'aasanyahay agagaarka wardheer. Aabihii Sayid cumar shaqadiisa oo Diin faafin aheyd markii uu gutay wuxa uu kulaabtay Magaalada Cadan ,halkaas oo ugu danbayntiina lagu xabaalay meesha la yiraahdo Wahad. Walaalkiis oo ahaa Sh Yuusuf Al-Kowneyn ayuuna kala dardaarmay wiilka uu Soomaaliya ooga tagay ee Sheekh Xassan ka weyne ah.

Taariikh ahaan reer aw xassanku waxaa la aaminsanyahay in ay Asharaaf yihiin oo ay kasoo jeedaan sayid Xuseen oo ah wiilka faatima bintu Rasuul(scw).Aabaha dhalay Sheekh Xassan oo Sidoo kale loo yaqaano Kawayne waxuu yemen ka yimid qarnigii 15aad isaga oo Soomaaliya soo degay labo dumar ahna halkaas ku guursaday.Reer Aw Xassan;waxa ay ukala baxaan afar lafood oo waaweyn waxa ayna kala yihiin,Nuur,Saacid,Cabdalla iyo Cabdirixmaan.Saacid waxuu ukala qeybsamaa saddex jifo oo kala ah:Reer aw Kheyre, reer aw Ali iyo Reer aw-Xuuriye.Nuur waxa uu ukala baxaa afar reer oo kala ah :Reer Aw Mahdi,Reer Aw Cilmi,Reer aw Udgoone iyo reer aw axmed.

Beesha Reer Aw Xassan Waxa ay degaan xuduuda kala qeybisa labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.Dhanka Itoobiya waxa ay degaan Feer-feer,Abaaleey,Buur ukur,Galcusbo iyo Tuulooyin kale.Waxaa kale oo Beesha Reer Aw Xassan degaan qeybo kamid ah maamul goboleedka Hir-shabeelle ee dalka soomaaliya gaar ahaan gobolka hiiraan Sida:Feer-feer iyo Abaaleey.Deegaanada ay soomaaliya ka degaan waxaa kale oo kamid ah;Muqdisho,Marka,Qoryooleey iyo Kismaanyo.Dhanka Kenya waxa ay ka degaan mandheeraa iyo Khalaaliyoow.

Macalin Raage Asaga oo ka hadlaya halka ay ka soo jeedaan Reer aw xassanku Waxa uu yidhiː-[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

"Aw xasan ninki doonayow ma ahan Daaroode, 
Dir iyo Hawiye manoqon daa'im abidkoode,
Hadey kaa daboolneyd hada Ana daaha ka rogiye,
Nabigii la doortaanu nahay Duriyadiisiiye,
Dadka waan u dhexeyna anagu doc ma raacsanine,
Dariiqada Islamkaan naqaan daawga loo mara e,
Diinta barashadeeda iyo duco iyo daacad mooyee,
Dambi qaran dagaalkii Ehliga diidnay maan galine,
Dalka culumadiisi yaa nahaye kii nadarajeeyo
Ilaahayow wuxuu doono sii dunida aan joogno
Akharana daris ooga yeel Nabiga daartiisa".....

Tix Raac:[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

https://www.facebook.com/Reer-Aw-Xasan-142210125800984/

Degmada Feer-feer

https://www.facebook.com/permalink.php?story_fbid=1091873400834647&id=142210125800984