Jump to content

Reer samatar

Ka Wikipedia

reer samatar ( قبيلة سمتري ) waa beel kamid ah 6 jifo ee reer horogle, beeshaan waa jifida ugu badan uguna tunka buuran, Samatar wuxuu ahaa yaraankii odaygii horogle ahaa kaas oo ka farcamay shanta kale ee reerka.

Jifidaan waa xadaari waxgarad u badan, waxakle oo ay u badan yihiin hawd sida magaalooyinka, labile, gallaadi, wardheer, sarhaye, qalloocan, marqaan weyn, qorof, galkacyo, horogle town, iyo xamar, laakiin reerku asalkiisu wuxuu ahaa reer guuraa, waxay degi jireen magalada gallaadi qarniyihii 17 ilaa waqti xaadirkaan.

Beeshaan waxaa ka dhashay fanaankii weynaa ee faarax guulled samatar oo kamid ah hobaladii waaberi ee somaliya, jifidaan waa reer hawd intooda badan u badan ceelcad sida gallaadi wardheer, dhudub, balanbal, iyo qorof

Beeshu waxay lixaadyo xoogle ka qaadatay dagaaladii dowladii ethiopia iyo somaliya sanadkii 1977 halkaas oo dad badan looga laayey qaarna raqdoodi la waayey.

Beeshu waa reer asali ah ilaa ka ab ab oo ilaa hada ay u badan yihiin, sidokle xoogaa aan badneen ayaa somaliya ka degan gaar ahaan galkacyo iyo horogle town,

Beeshaan sidokle waxay u badan yihiin dalka dibadiisa sida america, europe, asia iyo africa, beeshu waa laf dhabarta reer horogle iyo jifada ugu tunka buuran uguna badan, inkasta oo ay jiraan jifooyin kale oo badan lakiin waqtigaan la joogo ayagaa ugu tilaabo iyo taagdheer.

Jifadaan waa 7 jifo Lix waa isku bah oo waxa laysku dhahaa bah-faaraxhadeed midna waa bah gaar oo waxaa la dhahaa malaas, waxaase tarmay bah-faaraxhadeed oo ah dadka ugu balaaran haatan la joogo reerka, waana reerka ugu reer magaalsan uguna taran badan marka wadcigaan la eego.

Sanadyadii 1934- 1960 waxay aad u deganayeen gobolka mudug gaar ahaan degmada malaasle oo ay iyagu aas aaseen inkasta oo aysan maanta iyagu joogin, dadku waxay ahayeen waayahaas reer guuraa taas oo sababtay inay ka guuraan malaasle iyo colaado soo foodsaaray reerka awgood ayey uga guureen malaasle