Jump to content

Rer Gedow (Gedo People)

Ka Wikipedia

Rer Gedow (Gedo People) waa beel kamid ah beelaha Soomaalida.

Kuwaasoo caan ku ah tacbashada beeraha iyo fidinta diinta Islaamka. Waxa ay degaan dhammaan geyiga Soomaaliyeed, gaar ahaan degmada Qallaafe ee gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Magaalooyinka waaweyn ee ay degaan dhanka dowlad deegaanka Soomaalida waxaa kamid ah:-

Qallaafo Mustaxiil, Feerfeer, Godeey Gacalo, Shilaabo, Iimey Bari, Iimey Galbeed, Raaso Janno, Higlooleey, Dhoobaweyn, Jigjiga, Harta-Sheekh, Awbare, Daroor, Gaashaamo, Fiiq, Jareeti, Ceel-Keri, Dhanaan, Celeele, Beer-Caano, Mooyaale, Doolo Oddo, Mubaarak, Baareey iyo kuwa kale.

Magaalooyinka waaweyn ay degaan Dhanka Soomaaliyana waxaa kamid ah:-

Muqdisho, Hargaysa, Boorama, Burco, Boosaaso, Garoowe, Qardho, Laascaano, Ceerigaabo, Gaalgacayo, Baladweyne, Buulo-Barde, Jalalaqsi, Jowhar, Mahadaayweyn, Balcad, Misraweyn, Misrayar, Kulmis, Raqayloow, Maandheere, Xawaadley, Maqdas, Afgooye, Daafeed, Baaydhabo, Diinsoor, Qurac-Joome, Yeed, Aato, Xudur, Buula-Mareer, Qoryooleey, Kuntuwaareey, Sablaale, Bu'aalle, Jilib, Saakoow, Luuq, Garbahaarey, Baardheere, Af-Madoow, Kismaayo, Dooloow, Balad-Xaawo, Ceel-Waaq iyo kuwa kale.

Magaalooyinka waawey ee ay degaan dhanka Kiinyana waxaa kamid ah:-

Gaarisa, Wajeer, Mandheera, Marsabiit, Isiyoola iyo kuwa kale.

Waxa ay ku hadlaan Afafka Soomaaliga iyo Amxaariga.

Waxa ay u qeybsamaan shan jibsin oo waaweyn oo kala ah:-

  1. Reer Muuse
  2. Reer Xumaan iyo Buraaw
  3. Reer Caadiye
  4. Reer Yaraaw iyo
  5. Reer Magansade.

Ruuxa ugu sareeya ee beeshani waa ugaaska, waxa uuna masuul kayahay dhammaan arrimaha beesha, waxaa hoosyimaada ugaaska shan suldaan oo la daadihiya arrimaha beesha waxa uuna fadhigoodu yahay magaalada Qallaafe.

Sidoo kale waxaa jira Sayid kaasoo hogaamiya dariiqada Rashiidiyada gaar ahaan laanta Quuleediyada oo asigana ah Rer Gedow, fadhigiisuna yahay magaalada Misraweyn ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Gedoow waxaa la oran jiray aabbaha ay beeshani kasoo tafiirmeen ee ay u nasab sheegtaan Alle ha u naxatiistee.

Rer Gedowga maanta waxa ay isugu jiraan dad wada dhashay, dad la toloobay iyo dad adoome hore oo Rer Gedow lahaan jireen ah kuwaasoo la xoreeyay, balse ilaa maanta sheegta ama ku abtirsada sayidkoodii Aabbe Geedoow. Adoomadaasina waxa ay badankooda kasoo jeedaan beesha Hawiye, balse weli waxay sheegtaan Rer Gedownimo.

Tirada guud ee beeshani lama hubo maadaama ay degaan dhowr wadan oo ay kamid yihiin:- Soomaaliya, Itoobiya iyo Kiinya, waxaase lagu qiyaasaa tiradadooda ilaa 2,400,000 laba milyan iyo afar boqol kun oo qofood.