Riyo

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Riyo (Af-Carabi: الرؤيا; Af-Ingiriis: dream) waa silsilad male awaal ah oo dhacda inta hurdada lagu gudo jiro, riyada ayaa ku kala duwan isku xirnaasha iyo macquul galkeeda, fasiraada laga bixiyay waxay riyo tahay ayaa lagu kala tagay, dadka qaar baa qaba inay tahay wax nafta bin aadanka isku qanciso inay dhacayaan waxaasoo soo jeedka ay horay ugu waysay, tusaale ahaan qof baa jecel inuu magaalo aado, maadaama soo jeedka maankiisa ay ka guuxayso inuu halkaas aado awoodna u lahayn, riyo ayuu arkayaa ah asagoo meeshaas aaday, taas ayaa la dhihi karaa waa qayb aad u yar oo ka mid ah noocyada riyada, nooc ka mida riyada ayaan macno wayn ku fadhin markii la baraaruga noqonaya wax dad waalan ay ku fakareen oo kale (Qarow),

Aragtigtida islaamka ee riyada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

islaamka ayaa sheegay riyada wanaagsan ee xaqa ah kana soo fushay qof muslin wanaagsan ah inay tahay qayb ka mid ah afartan iyo shan qayb oo ka mid ah nabinimada. nabiga scw ayaa riyada u qaybiyay sadex nooc

  • Bishaaro xag alle ka timid oo qofka muslimka ahi arkayo
  • Murjin shaydaan ka ahaatay
  • Iyo riyo qofka naftiisa wuxuu ugu sheekeeyo ah

xadiis uu warinayo muslim ayuu nabigu scw leeyahay ('وا (إ إِذَا اقْتَرَبَ الزَّمَانُ لَمْ تَكَدْ رُؤْيَا الْمُسْلِمِ تَكْذِبُ وَأَصْدَقُكُمْ رُؤْيَا أَصْدَقُكُمْ حَدِيثًا وَرُؤْيَا الْمُسْلِمِ جُزْءٌ مِنْ خَمْسٍ وَأَرْبَعِينَ جُزْءًا مِنْ النُّبُوَّةِ وَالرُّؤْيَا ثَلَاثَةٌ فَرُؤْيَا الصَّالِحَةِ بُشْرَى مِنْ اللَّهِ وَرُؤْيَا تَحْزِينٌ مِنْ الشَّيْطَانِ وَرُؤْيَا مِمَّا يُحَدِّثُ الْمَرْءُ نَفْسَهُ فَإِنْ رَأَى أَحَدُكُمْ مَا يَكْرَهُ فَلْيَقُمْ فَلْيُصَلِّ وَلَا يُحَدِّثْ بِهَا النَّاسَ )

waxay diintu sharciyaysay qofkii wax wanaagsan ku riyooda inuu alle ku mahdiyo, kii wax xun arkana inuu acuudsado salaadna tukado, cidna uusan uga sheekayn, adigoo maanka ku haya riyooyin marka aad seexanaysid dabiiciga habeenkii ee muuqaalka muuqaal la'aanta ah waxaad u tageysaa qorshayaasha khayaaliga ah sida gafafka oo og in haddii maalmo ay halkaas u aadi doonaan si dhab ah mustaqbalka.

Imaam al-qurdubi ayaa kitaabkiisa almufham[1] ku sheegay noocyada riyada wuxuuna leeyahay. Riyadu waxay u qaybsantaa riyo xaq ah waana tan nidaamsan oon isku dhex yaacsanayn, waana riyada runta ah nabigaana scw ku magacaabay riyada runleyda ah ama wanaagsan, waana mida dhacdada sax ah u eg, hadii qof fiican uu ku riyoodana ay tahay qayb ka mida waxyiga xag alle ka yimaada, tan labaad ayaa ah mid kasoo fushay naf murugaheed ama waxyaabo ay jeceshahay, damacna uu ku jiro ka dibna wixii uu rabay uu ku arkayo riyada dhexdeeda, macno ma leh taas, tan sadexaadna waa murug, walaac iyo walaahow ama dhibaato iyo cabsiin qofku riyada ku arko shaydaankuna qofka ku waswaasiyo si uu u xumeeyo soo jeedkiis, taasna waxaa lagu magacaabaa Qarow, mar mar baa waxaa kulmaya riyada cabsida ah iyo tan shahwada iyadana waa qarow aan macno lahayn, iyo dhirbaaxo iyo dib-u-dhajiso muuqaalada muuqaalka hallucinogenic sida dhimashada, jirka naftiisa iyo naftiisa u diyaargaroobaan oo la kulmaan dabeecadda deegaanka ee guud ahaan noolasha, iyo bini'aadamka markay seexdaan habeenkii dayaxa, waxay ku nool yihiin meel aan seexanayn oo ku dhex nool meerayaasha kale iyo gallegyo kale ama caalami, ah oo kale iyo kala-goynta u dhexeeya baaxada, jidhka iyo maskaxda, wakhtiga oo ku dhashey burburka waxay sababtay riyadii kiiskan, isbeddelka xilliyada iyo is-bedelka sida safar gaaban[2].

tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=225250
  2. http://arabic.tebyan.net/index.aspx?pid=170899