Ruunshiikhow

Ka Wikipedia

Ruun-shiikhow Waa Laba Magac oo isku xiran "Ruun iyo Shiikh" sida magaca ka muuqato Ruun oo ah meel deegaan ah iyo shiikh oo ah qof cilmi Alle weyne baray waane Magaaladii Sheekhyada.

Waxay muqdisho ka jirtaa Waqooyi bari ku dhawaad 65km Waane Tuulo yar oo aad ququr Badan.

Waxa ay leedahay buuro yar yar oo indhaha soo jiito iyo bacaad, waxaa degan dad beeraleey iyo xoola dhaqato isugu jira.

Waa dhul carra-cad ah, Waxaa dega beel hoosaadka Ibraahim Celi oo ah Curadka Celi Cumar, Abgaal Cismaan.

Ruunshiikhow waxaa hoos yimaado Tuulada cisiley,Lafooley,Buurcad, cuumo,Mooro Cabdi-Gurey,Moora-garasley, Burka-kaal, Laba-garas, Ceelka Xaaji siidow, Jabad-godane iyo Shaash-qaad.

Tuuladaan waxaa ka soo jeeda Caalimkii weeynaa Sheekh Muxyadiin Celi iyo wiilkiisi Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo asagane ahaa Caalim weeyn Ilaahey ha u wada naxariistee dhamaan.

Dhanka dhaqanka waxaa samadoon ka ah Nabadoon Xaaji Cabdullaahi Maxamuud ow Cali. Nabadoonka Beesha waa nabadoon Xirsi Maxamad Dhagey.

Siyaasiga deegaankaan waxaa Hormuud ka ah Siyaasiga C/raxmaan Sheekh Dhabiil oo muddo badan ku soo jiray howlaha siyaasadda.