Saar

Ka Wikipedia

Saar Waa Ciyaar dhaqmeed Sooomaaliyeed ee laga Ciyaaro Koonfurta Fog ee Somalia qaasatan dhulka Jubaland ama Waamo waxaana ciyaara oo caanka ku ah waa qabiilka Bartire Mareexaan iyo qabiilada Caaljecel Raxweyn iyo wardey iyo qabiilo kale kuwaa oo ciyarayay mudo soo jireen ah, dadka qaar wxay ugu yeeraan Gaaleyso dadka qaarna waxay ugu yeeraan Goobile.

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Saar wuxuu caan ka yahay Koonfurta fog ee Soomaaliya. Waa nooc ka mid ah ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, waxaana ku luuqeeya dumarka goobaha dhiiragelinta iyo damaashaadka la iskugu yimaado. Fanaaniinta ragga ah way la hooriyaan gabdhaha ku luuqaynaya Saarka.

Caasimada Muqdisho xiligii nabadda iyo nidaamyadii dowliga ka jireen Sarka waxaa wada tuman jiray bulshada iyada oo aad loola dhaca habka tixda ay gabdhuhu alifaan iyaga oo amaanta marba meel saarayo, qof, meel ama munaasabad haykal sare leh.

Xamaasad iyo laxan xiiso leh ayuu leeyahay saarkan. Waxaa dhacaysa in gabdhaha ay codbaahiyaha isu dhiibaan marka sawaxanka uu gaaro heer goobjoogayaasha ay ka cod dheeraadaan gabdhaha ama fanaaniinta qaadayo saarka. Cajal aad loo daawado oo ay duubtay Khaddiija Cabdullaahi Dalays 1988 ayaa inta badan laga barta tabta, ereyada iyo laxanka Saarka.

Madadaalada Saarka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Saarka waxaa fagaaraha lagu ciyaara noocyo kale oo badan ayaa isku fagaare lagu soo bandhigaa Saarka. Aroosyada, xafladaha dhalinta iyo dumarka samaystaan, sanad guurooyinka gobollada ama waqtiydaa taariikhiga intaba waa laga qaadaa Saarka.

Gabar walba ama koox fanaaniin ah markey goobta soo istaagan waxay tiriyaan tuduc Saarka ah, kuwaas oo ay ku beegaan munaasabadaha.

Noocyada Saarka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Gaaleyso Diisow Goobile Saar lugeed