Sahanka dunida liban mahad taariikh
Sahanka Dunida (Liibaan Mahad)
Sahanka Dunida waa kanaal YouTube ah oo af-Soomaali ku baxa, kaas oo lagu soo bandhigo dhacdooyin taariikhi ah, qisaska xiisaha leh, iyo xogaha ku saabsan dhaqamada iyo arrimaha bulshada. Kanaalka waxaa la furay 2016, waxaana si rasmi ah wax loogu soo gudbiyay laga bilaabo 2020. Kanaalka waxaa iska leh Liibaan Mahad Maxamed, oo ah aqoonyahan Soomaali ah oo ku takhasusay caafimaadka iyo farmashiyaha.[1]
Liibaan Mahad wuxuu ku dhashay Muqdisho sanadkii 02/02/2000 wuxuuna ku barbaaray degmada Afgooye. Waxa uu soo dhameystay waxbarashadiisa dugsiga sare ee Darul Ulum sanadkii 2019, kadibna ku takhasusay Medical Laboratory Science iyo Pharmacology Jaamacadda Soomaaliya (UNISO). Waxaa lagu yaqaan xirfadda aqriska, qorista, iyo soo bandhigista macluumaadka taariikhiga ah.
Kanaalka Sahanka Dunida wuxuu diiradda saaraa mowduucyo ay ka mid yihiin:
Dhacdooyinka taariikhiga ah
Barashada dhaqamada kala duwan
Qisaska xiisaha leh ee bulshada
- ↑ waxaa qoray Dr liban mahad