Sahra Axmed

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Haku khaldin magaca Magaca Sahra.
Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.


Sahra, Sahra Axmed (ingiriis: Zahra Ahmed) waa fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso aad u badan.[1] Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Khadra loo siiyay magaca weyn ee Quruxda Fanka Soomaaliyeed.[2] Intaasi waxaa dheer, Sahra Axmed waxaa ay ku dhex leedahay fanaaniinta Soomaaliyeed sharaf iyo qadarin gaar ah.[3]

Taariikhda Sahra[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Sahra Axmed waxay ku dhalatey meel u dhow magaalada Burco ee gobolka Togdheer, ee deegaanada Waqooyiga Soomaaliya.[4][5][6]

Heesaha Fanaanada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Fanaanada Sahra Axmed waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.[7]

Fanaanadu waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.[8]

Heesaha fanaanada Sahra qaado waxaa ugu caansan oon soo qaadan karnaa:

  • Heesta Abraas
  • Heesta Raganimooy: heestani waxa si talantaali ah u wada qaada Sahra Axmed iyo Saalax Qaasim
  • Heesta Gacantaada Midig
  • Heeso Nebi Amaan ah, sida heesta Rasuulkii Sharafta Mudanaa

Fanaaniinta Soomaaliyeed[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.

Fanaaniinta Soomaaliyeed
Magaca Kooxda Wakhtiga Fanka Sawirka Faalo Kooban
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
Maxamed Saleebaan Tubeec Hobolada Waaberi 1967dii ilaa 2010kii Boqorka Codka
Xaliima Khaliif Magool Hobolada Waaberi 1969kii ilaa 1993dii Boqorada Codka
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) Hobolada Waaberi 1974tii ilaa maanta Hooyada Fanka
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) Hobolada Waaberi 1971dii ilaa maanta Cod Wanaagsane
Maxamed Nuur Giriig Hobolada Waaberi 1970kii ilaa
Qamar Maxamed Xuseen Hobolada Waaberi 1980kii ilaa 1994tii Gabadha Fanka
Saalax Qaasim Hobolada Waaberi Aabaha Fanka
Khadra Daahir Cige Hobolada Waaberi 1978kii ilaa hada
Khadra.jpg
Boqorada Fanka
Saado Cali Warsame Hobolada Waaberi 1979kii ilaa hada
Cabdi Nuur Alaale hobolada Jabuuti
  • Fanaanka ugu heesaha badan
Maxamed Mooge Hobolada Waaberi 1971dii ilaa 1988dii Madaalaha Fanka
Xasan Aaden Samatar Hobolada Waaberi
  • Libaaxa Fanka
  • Fanaanka labaad ee ugu heesa badan
Axmed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1973dii ilaa 1991dii
Maxamed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1962dii ilaa 1980dii
C.Qadir Macalin Jubba kooxda Waaberi 1979kii ilaa maanta Yarka Sanadka
Cumar Dhuule kooxda Ileys 1972kii ilaa 1998dii
Sahra Axmed kooxda Ileys/Hobolada Waaberi 1978dii ilaa 2004tii Quruxda Fanka
Faadumo Cabdilahi Maandeeq
Cabdule Yusuf Hanuuniye Hobolada Waaberi Ma daalaha Waaberi
Cumar Shooli
Axmed Naaji Sacad
Axmed Nuur Jaangow
Siciid Harawo
Axmed Yaasiin Digfeer
Shimaali Axmed Shimaali kooxda Dalmar/Kooxda Ileys 1982dii ilaa maanta Jeceeyloowga Fanka
Maxamed Xasan Lafoole
Cumar Dhuule Cali
Aamina Cabdilahi Xirsi
Kinsi Xaaji Aadan
Saalax Qaasim Naaji

Qoraalo La Mid Ah[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. "fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso"
  2. "Quruxda Fanka Soomaaliyeed"
  3. "Sahra Axmed"
  4. "Burco ee gobolka Togdheer, ee deegaanada Waqooyiga Soomaaliya" Ka dib, qiyaastii sanadkii 1973kii ilaa 75tii ayaa Sahra ku soo biirtay fanka wakhtigaasi oo lagu sheego ineey jacayl dartii u biloowday ineey heesto.<Ref>"qiyaastii sanadkii 1973kii ilaa 75tii ayaa Sahra ku soo biirtay fanka wakhtigaasi oo lagu sheego ineey jacayl dartii u biloowday ineey heesto"
  5. "magaalada Hargeysa"
  6. "Soomaaliya"
  7. "Sahra waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe"
  8. "Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed"
  9. ""Qoraalka Ii kaalay", qorida Suge"