Saldanadii Ogaadeen

Ka Wikipedia

Saldanada Ogaadeen waxay ka bilaabatay Ugaas NUUR Ugaas Xasan-Dheere, wixii intaa ka horeeyay waxaa 17 jiil beesha Absame utalin jiray Beesha Jidwaaq, khaasatan beesha Bartire. Saldanadii ogadeen iyo tan daaroodba waxaa hogaaminayay oo soo bilabay boqor cumar wilinwili ama cumar adunyo(cumar ahmed maxamed yusuf barkanti sacad mudaan maqabul ogaden) wuxuuuna hogaanka hayay 1185 ilaa 1270 . wuxuu hogaaminayay in kabadan 80sano (waa walashma dynesty boqortooyadii wilinwili).Boqortooyadii wilinwili waxay hogaanka haysay 400 oo sano waxaan hoganka waday ilaa iyo 1555.Boqortooyadaa waxaa isugu tagay gumaysiga Itoobiya, bortiqiiskii u soo hiiliyay iyo dabaqoodhi soomaali iyo ogaden ka koobnaa oo ilaa maantana dabaqoodhi ah, taariikhdu halkaasay leedahay wayna qoran tahaye halkaa mari.Boqortooyadaa waxaa iska dhaxlay 19suldaan. waxayna lahaayeen laba magac oo kala ahaa (Ifaat iyo Adal).Ifaat waxaa labedelay markii uu shahiiday sultan sacad (sultan sacad suldan axmed suldan cali suldan sabir naxwi sultan mansuur sultan cumar wilinwili).Markaa kadibna waxay qaateen saldaanadii Adal, kadibna waxaa hogaanka la wareegay Sulaadan Axmed. ==

Ugaas Nuur Ugaas HASSAN DHEERE saldanadiisii ilaa hada way socotaa, inkastoo dadkii farcamay isku qabsadeen cidii hayn laheyd derejada "Ugaasnimo" ee beel weynta Ogaadeen Absame.

BurBurkii Saldanadii Ogaadeen & Absame.[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Hadana Waxeynu guda galeynaa Burburkii Saldanadii hawye Iyo Absame. Warfaa Mar haduu saldanadii soo waday waxuu ku baxay gacanta walaalkii Samatar, Waxey noqotay gabi ahaan beeshii absame in Samatar Ugaas Xirsi la siiyo, Halkii Ayuuna Ugaas Samatar Ugaas Xirsi Ku soo fadhisatay saldanadii Ogaadeen iyo absame. Isla waayidiiba waxaa bilowday xinif iyo is fahan la,aan ku sal dhiganeysa Cinqilaab iyo Kursi Jecleysi. 12'kii wiil ee Ugaas Warfaa Yeeshay oo markaa inta hanaqaaday eey ahaayeen Nuur Ugaas Warfaa, Magan Ugaas Warfaa, Cilmi Ugaas Warfaa, Khalaf-Cigale Ugaas Warfaa, Caraale Ugaas Warfaa. Ilma Ugaas Warfaa waxey go,aan ku gaadheen iney adeerkood Ugaas samatar Ugaas Xirsi oo hayay ugaasnimada ogaden, eey Ka riixdaan Saldhiga Hogaanka Beesha Ogaadeen. Mar hadey saas aheyd Ilma Warfaa waxey bilaabeen abaabuul hoose iyo ictiraafo hoose ooy markaa dadka ku soo jiidaneyn, Si kastaba ha ahaatee, Maalin maalmaha ka mid ah Magan Ugaas Warfaa ayaa geed ugu tagay uu fadhiyay Nuur Ugaas Warfaa, Nuurna waa ninka lagu tilmaamo Inuu ahaa curadkii Ugaas Warfaa, Inkastoo Dadka qaarkiiba sheegan In Khalaf-cigale ahaa curad.beenaale waxaa dadka waxaan oo kale qoraa dambi jecelaa maxay utartaa beenya ay qorayaa ee ruuxii arkaaba la yaaabayo fadlan beenta iska dhaafa

Magan geedkii buu ugu yimid Nuur, Halkaasna Ayaa shax la jeexday oo lagu maansooday sida dhaqan u aheyd Ogaadeen. Magan yaa ku horeeyay maansada ( In Naagteydii Iyo Saldaneydiiba Nin Kala igdheysto, Ma Nuuraan ahay buu yidhi ) Nuur baa ku xigsaday oo si xasaasi ah uuga jawaabay eydeentaas magaciisii Nuur ahaa Loogu maansooday qaab dumar ahaan oo ah " Ma nuuraan ahay" ..... Nuur wuxuu ku jawaabay ( Hadal malagii galay inaan idhaah Ma Maganaan Ahay) Adu wax maansadii la wadaba ooy intaas naga soo gaadhay, ooy dibna caraale iyo Cilmi, Khalaf-cigale ka yimaadeen, Go,aan waxaa la gaadhay ah in adeerkood Ugaas Samatar la dilo. Magan markuu maansooday wuxuu magacaabay erey ahay " Ninka Naagteydii Igdheystay"... Naagtaasu waa dhuubo oo kasoo jeeday Qabiilka Xawaadle, Ugaas Warfaa ayaa dhintay Iyadoo islaantaasi U doonantahay, Sidaas owgeed sidii dhaqanka islamka iyo dhaqanka somaliba waxaa islaantii guursaday Ugaas Samatar. Ilma Warfaa markey Go,aanka noocaas ah gaadheen ee Ugaaskii Ugaas samatar ahaa Marna Adeerkood ahaa, Lagu eedeeyay inuu saldanad iyo naag isku darsaday midna eeyna sax aheyn inuu heysto intey noolyihiin. Xaalku markuu Halkaa marahayo, Arin yaa la isku duwday oo waxeey dheheen adeerkeen eeynu Arin been ah ooynu inagu sheegnay uqabsane, Hadalkaasuna ha noqdo ( Adeerow maxaad u tidhi ilma warfaa Inaan Jabbada ka raro Mooyee, iyagu Iskama rari Karaan, Eeynuna makhraati Been gashano, Nin hada magaciisu naga maqanyahay, Laakin lagu sheegay In aabo abtirsi inuusan ka fogeyn oo ka dhashay Qabiilka Reer Higis )

Magan ayaa la diray oo islaantii gurigii ku booqday, Weydiiyayna hadal noociisuu ahaa ( Away Adeerkay Samatar ) Islaantii garan maayo bey tidhi, Islaantii waxeey dareentay cadhada ka muuqata Magan Ugaas Warfaa, Halkaas ooy ku xaqiiqsaday, Magan inuu ahaa nin aad u xaraga badan oo ka leexda GalGalinta, Cumaamad xiligaas madaxa la saaran jirayna saaran jiray. laakiin markaas uu gura ugu yimid labadii sheey ee magacan caadada u aheyd ma sameyn, Galgalintii aqalkeeda horteeda aheyd yuu soo maray isagoon madaxa cumaamad ku wadan. Halkaas mar hadey islaantii xaqiiqsatay inuu wax jiro, fadhi uma yaalo, Wiil Ina samatar ah yeey uyeedhay ooy tidhi Hooyo , Magan baa hada ii yimid, Wajigiisana ilaahay ha inaga xijaabee, Kheyr kama muuqan. Wiilkii Toori buu la booday, Geedkii ayuuna ugu tagay ilma warfaa iyo Ugaas samatar iyo ninkii reer higis oo murmahaya, Ninkii reer higisna uu Ugaaska ku makhraati been furahayo, waaseey sheekadu udhacdaye. Wiilkii oo tooridii wata yaa aabihii daba fadhiistay, Nuur Warfaa oo hor fadhiya Ugaas samatar yaa dareemay toorida wiilka ina samatar ahi wato, Markaasuu Yidhi, War toorida ii dhiib aan qodoxda iskaga bixin mahayo, Haddii la is daba marsaday dhowr hadal oo ah Kuu dhiibi mahayo iyo war ii dhiib, Ugaas samatar oo udhexeeyay oon isaggu khadku meeshu ku dambeyn war ka aheyn, Yaa wiilkiisii ku amray inuu ina adeerkii Nuur Ugaas Warfaa udhiibo toorida, Wiilka Ina Ugaas samatar ahaa , isagoo ka xun fara madhnaanta ayaa soo fiiqay tooridii xaqa nuur oo raaciyay hadal ah ( Iga hoo Dhuunta la iska galidan ) , Nuur Warfaa Tooridii haduu gacanta ku dhagay, Hadalkaasna wiilkii Ina ugaas samatar ahaa kasoo yeedhay, Waxbaba ma sugina, Ugaas Samatar Buu Dhuunta kaga shubay, Halkaas Ayuuna Ugaas Samatar Ku Geeriyooday, Laguna Aasay Xeradii Taliska Korkeeda " Fooljeex" Kooshin Ugaas Xirsi, Ayaa soo dhex galay arintii oo xag aabe kala dhashay Ugaas Warfaa Iyo Ugaas Samatar , Ilma Ugaas Warfaaga Wax dilayna Adeer ugu quman.


== Saldanadii DagDag ahaan Isku dhex Qasantay ==hjliulöuilyuloyul

Ugaas Kooshin Ugaas Xirsi ayaa halkaas Ugaasnimadii Ku qaaday laguna caana shubtay, wuxuu shiriyay Odayadii iyo Julub culustii Ogaadeen Iyo Daaroodba, Waxaana la isku af gartay In Ilma Ugaas Warfaa laga takhaluso oo qoorta loo guduudiyo, Arinkii oo halkaa marahaya, Ayaa Waxaa Geedkii soo hor moray nin socoto ah oo riti wata, Ninkaas oo ka dhashay isna Ogaadeen ( Reer sacad, Ree Gomaxile ). Kooshin Ugaas xirsi ayuu gees ula faqay oo weydiyay arinta, Mar haduu Ninkii socotadaa ahaa sheekada la qabad siiyay , wuxuu Kooshin Ugaas Xirsi ku waaniyay ( Ugaas Kooshinoow Inta Ilma Ugaas Warfaa noolyihiin, Nina usoo mohon mahayo saldanadaada, Laakin Maalinka aad leyso Ilma Ugaas Warfaa, Bini Aaadam iska daayee, Geedaha iyo xayawaanka yaa kuu soo mohon) Halkaas murti inteeda la eg yeeynu ka dhandhansan karnaa oo ah raggii kuugu xigay markaad, leyso nin aan kuu xigan unbaan ku cinqilaabi. Ugaas Kooshin hadalki ninkii reer sacad ayuu ogaalaaday oo macquul la noqday, Wuxuusa go,aansaday in Ilma Ugaas Warfaa lamasaafuriyo oo Gayaanka uu ka talin hayo laga fogeeyo oo markaas fadhiisin ku ahaa Doollo iyo Qoraxeey oo ah khaasatan Xero-Xun,Todobada Goglood ,Ceel Ogaadeen, Shilaabo. Ilma Warfaa Waxey Yimaadeen Banaadir , Halkaas ooy mar labaad xulufo ka sameysteen iyo Cinqilaab hor leh oo ina Ugaas Kooshin ey dilaan Mar Labaad. Umasase suurto galin, Ugaas Kooshin Sidii Ugaas Warfaa AYuu saldanadii si caadi ah udhameystay una geeriyooday. Ilma Warfaa ood moodo inuu Sugidii Jagadii Aabahood ka tagay soo celinteeda eey ku dheeraatey, Dhiig badanna eey udaadiyeen, Ayaa waxey xulufo labaad la noqdeen Ninkii reer sacadka ahaa ee Ugaas kooshin kula taliyay inaan la leyn Iyaga. Ninkii Ayeey dheheen Noo soo waran Ugaas Kooshin mar haduu dhintay, Ninka Kale ee isu soo sharaxa Ugaasnimada Ogaadeen iyo Absameba. Waxeyna kula taliyeen Ninkii unuu geedka Ugaaska cusub loogu caana shubahayo inuu khudbad dheer ka jeediyo, Iyagguna eey meel aan aad uga fogeyn isku abaabulaan. Ninka ugaasnimada cusub isu soo sharaxay wuxuu noqday Ugaas Kooshin Wiil Uu dhalay Oo Ahaa Nuur Ugaaas Kooshi. Ninkii geedkii sidii lagu soo tashaday ayuu ka jeediyay khudbadii dheereyd, Nin shacabkii ka mid ah ayaa istaagay oo yidhi ( War meesha miyaa la isku caana shubahayaa, Mise rag maqan baa la sugahayaa ) isagoo wax dareemay markaas. Ilma Warfaa Iyo ciidamadii eey soo abaabusheen yaa soo galay xeradii , Halkii Ayeeyna Ku Dileen Ina Ugaas Kooshin. Ima Ugaas samatar Ugaas oo markaa qaarkood da yaraayeen, Cilmi Ugaas Warfaa Ayaa balan qaaday inuu hayo Ma daama eey aabahood dilleen caruurta ilma kökölköadeerkood ahna eyna jirin meel eey ku beylihayaan. Saldanadii waxaa qabtay Ugaas Magan Ugaas Warfaa, waxaana ka dhaxley ugaas warfaa ugaas magan ugaas warfaa waxaana ka sii dhaxley ugaas nuur cubudhiye ilaa hadana waxaa sii wada ugaas mohamed ugaas duulane ugaas xaashi

Dib hadaan ugu noqono dilkii Ugaas samatar, Waxaa ka maansooday Xirsi Injiif Ugaas samatar oo yidhi ( Waayeel jiraaba waa inagge, Leeb iyo qaansada inoo dhiga ) oo ka muuqato murti culus. Maansadii ku xigtayna waa markii uu aarsaday ee uu dilay ninkii soo koriyay ee ahaa cilmi Ugaas Warfaa , isaggo daba u dhigaya uu cilmi ku horeeyay maansada ee uu yidhi ( War hashu maangkeeyga gadaye, ma maansaar bey liqday ) Xirsi injirina markuu dilay Ugaas cilmi yidhi ( Caa caa cabaad geele, Caga yare ma kaa raayay ). Kadib dilkii ugaas Magan ayaa ku xigay ay ilma samatar dileen kadib kala guurkii cowlyahan cali geesi 1123-1234 st