Shaqo Qaran iyo Ardayda Gurmadka

Ka Wikipedia

Shaqo Qaran iyo Ardayda Gurmadka waxay ahaayeen barnaamijyo qaran, ahaana kuwo is dhaxlay oo ka hirgalay [Soomaaliya] sanadadii [dowladii Kacaanka] Soomaaliyeed.een gurmadka mashaaricda qaranka GMHQ 1984 waxuu ahaa 9bilood ee sanadki ku xiray 1985 Ayaa laga dhigay 2sano waxayna ku kala duwanaayeen gurmadkii waxuu lahaa progaram ka kooban ololaha barashada afka carabiga iyo la dagaalanka qaadka iyo hawlaha wasaaradaha wadanka oo lagu kala meeleeyay ardadii ka qayb galeysay GMHQ. Lkn kan ka dambeeyay waxuu ahaa laba sano oo tababar ciidan ah.

Horudhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dhamaan ardayda dugsiyada sare ka soo qalanjabisa tiro ahaana qiyaastu ahayd 14,000 ayaa lagu xarayn jiray mudo bilooyin ah xarunta tabobarka ciidamada ee Xalane oo ku taala Muqidsho. Guud ahaan 60,000 ayaa dugsiyada sare dhigan ka diiwaangalsanaa sanad walba Soomaaliya oo dhan.

Ardayda waxaa berigii hore uu barnaamijka u badnaa macalinimo ka dib, ayaa sanadkii 1984 loo badalay barnaamij Gurmadka Ardayda halka kolkii hore la oran jiray Shaqo Qaran.

Tabobarka Ardayda Gurmadka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tabobaro ay siiyaan saraakiisha ciidanka Xooga Dalka ka dib ayay ardayda aadi jireen 18 gobolka ee dalka iyaga oo u howlgalo siyaabo kala duwan.

Barnaamijka Shaqo Qaran wuxuu bilowday iyada oo macalimiin iyo shaqaale dowladeed ay noqanayeen ardayda mudo 2 sano oo kaamil ah. [1]

Gurmadaka Ka Dib Qoritaanka Imtixaanka Jaamacada Ummada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ardayda xilkooda Shaqo Qaran ama howlahooda Gurmad u soo guta sida loogu talogalay waxay u fariisan jireen imtixaanka Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo sanadkii mar la qaban jiray.

Wasaaradaha Waxbarsahada iyo Barbaarinta iyo Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa diyaarin jiray imtixaanka Jaamacada Ummada ay ardayda u gali jireen.

Tiro dhowr kun aan ka badnayn ayaa fadhi ka heli jirtay Jaamacada Ummada iyo laanteeda macalinimada ee Kulliyada Lafoole. Inta kalana shaqadoodii Qaran horay ula soo qabsada ama ganacsi ama howlo gaar ah la fulin jiray meheradaha qoysaskooda.

Xafiiska Shaqada Qaran ama Ardayda Gurmadka ee Wasaarada Waxbarashada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta waxaa ka mid ahaa Qaybta Ardada Shaqada Qaranka oo qabanaysay howlo aad u muhiim u ah ardayda iyo wasaaradda intaba.

Waxaana ugu muhiim sanaa xaqiijinta iyo sugitaanka in ardayga ka soo baxay dugsi sare iyo in uu soo maray shaqadii qaranka waayihii horana barnaamijka Gurmadka ahaa.

Maxamed Daahir Qaasim oo ahaa Madaxa Xafiiska Ardayda shaqada Qaranka iyo Sayidcali Xuseen Macalin oo ahaa ku xigeenkiisa iyo waliba Cabdirashiid Maxamed.

Faa'iidooyinkii Shaqada Qaranka iyo Ardayda Gurmadka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ardaya dhameeya tabobarka militati waxaa shaqooyin loogu diri jiray dhamaan gobollada dalka halkaas oo ardayda ay soo baran jireen:

  • bulshooyinka gobollada dalkeena dhan dad, cimilo iyo dhul intaba
  • dhaqanka iyo hidaha dhulka fog fog ee laga yaabee inaysan dhaayahooda walgidood arag
  • shaqo barasho aysan caadiyan heli lahayn iyo kharash safar oo u badbaado
  • Nolol cusub meel ka baxsan caasimada iyo magaalooyinka waaweyn
  • Kalsooni inuu qofka yari shaqo qaban karo kana baxo ma shaqaystenimada magaalada
  • howogedis iyo caano cabaal iyo u dhaba galka nolosha miyi iyo degmooyinka dalka


Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. http://www.jaallesiyaad.com/taariikh/taariikhda-21ka-oktoobar[dead link]