Sokorow

Ka Wikipedia
Astaanta Macaanka

Sonkoraw waa xanuunka loo yaqaano sokorowga ama macaanka (lat. diabetes mellitus).waana xanuun wate noqda sida uu u badan yahay. Wuxuu ku lug leeyahay sida ay sonkortu ugu milanto dheecaammada kale ee jirka. Macaanka ama Sokorow:ga waxaa sababa marka dhecaanka loo yaqaan Insuliinka ee uu sameeyo ganaca uu yaraado ama marka uusan jirin dheecaankaasi gabi ahaanba. Wuxuu u kala baxaa laba nooc oo kala ah Nooca koowaad iyo nooca labaad (type 1 iyo type 2). midka koobaad qofka wuxuu ku dhacaa isagoo da' yar oo ganaca(pancreas)maba sameeyo dheecaanka insuliin. Midka labaad, qofka isaga oo wayn buu ku dhacaa markaa insuliin masoo saaro ama insuliinku wuxuu noqdaa mid aan waxtar lahayn, inta badan qofku cuntada aan caafimaadka u fiicneyn iyo cayilaada ayaa yareysa sameynta insuliinka. Sokorowga waxaa lagu daaweeyaa insuliinka oo lagu duro (mudo) meel jirka ka mid ah, sida bowdada, iyo jimicsi badan iyo in la is caateeyo.