Sugan siiyey samir

Ka Wikipedia

suugaan taan wexeey ufurantahay abwaan walba oo somaliyeed suugaanta waxaaka mamnuuc ah xumaan oo dhan xarafku waa s magaceedu waa samir waa silsilad cusub iyo abwaaniinta qarniga

1 abwaan keysediin yuusuf aadan qeybtii kowaad ku salaanay saaxiib, sareeyoow ma duuloow, sa'da gabaygu noo furan' kugumaan sakeekimin, sal u dhigaye ila soco, maansadani waa samirbadan, sadrigay ku taale, saaxiib bal iga qabo, cadawgay u tahay sixir, Somalay u tahay subag, sabigu waa ku siriraa, waayeelku waa ku seexdaa, jaahil waaku salalaa, aniga way sahay culus, adigana sidoo kale, aan sargooyo saaxiib, hadaad sadar suuraysana, halqabsigu sad weeyee ,ogoow samina waa nahay."


2 salaan tii labaad (abwaan cabdifitaax barre ) saaxiibkay rumaadow, sarreeyow ma liicow, kayse diin ma salalow, adaa siinka curiyee, marka hore salaan wacan, ma saluugin dhoorana , wuu salaamanyahayoo, abwaannada sarreeyuu, safka hore ka galayaa, s marka xigga samaalow, aan soodka dhiib tee, suugaantaad bilowdaa, xalay saamalaylkii, saqdii dhexe mar ay tahay, salaan iigu timidoo, anna soo dhaweeyoo, sidii socotadii baan, saaxiib u sooraye, sokeeyow ma nabad baa, aan sifeeyo hadalkee, nin samraa sadkii hela, soomaali baa hore, ku sifaysay maahmaah, waxaan uga socdaa taa, waxay waaya silicdoo, la sargooyo ciribkeed, seefuhu is jiiraan, saqiirada la gowraco, umulaha la saanyado, qaxootigu sunsuma oo, dibadaha sabbeeyaan,


3 abwaan axmed abshir dhoore axmed daljir qeeybtii sedaxaad saaxiiba yaaloow. marka hore salaan culus. mudeey siinka maasadu. bulshadaan kasuushaye. hadeey sama kataliyiyo. weli sooryo leedahay. soomaali nimadiyo. sinjigii ayaa nool. aan idiin sifeeyee. soomaali waa kuma. sal wexeey kuleedahay. afrikada sareeysiyo. siinadeedu bari. midab keedu waa subag. soowd qureey wadaagaan. saaxiibo iyo gacal. seedi iyo walaal beey. intaa same kataliyaan. baqiil soorta diidiyo. manaqaan saqaa qule. samir baan ku nool nahay. waxaa taa kasii daran. sunaa lagu bar baarshoo. qof saluugle kama dhalan. cimilo an sal guureeyn. saxan saxo udgoon badan. iyo seeyma roobaad. barwaaqaa salkeenaa. anoon siinku ila tegin. salfudeeyd ma fiicnee. abshir baan sugeeynaa.


4 abwaan abshir isaq qeybtii afaraad

Axmadoow samaantiyo salaantii gudoonaye suugaanta sharaftale waa dhaqan sokeeyiyo soomaali magacood sooyaal qoraaliyo sifo nalagu garan karo lixdankii sedkaan helay haddii sebenka maanta ah soomaali nimadii laga dhigay midaan socon sun ayaa ladaacoo dhaqankii sugnaa baa kuwa sebenkan soo baxay oon sariiganeeyn baa sinjigeena door shaye rabiyoow na sama bixi, maalinteey siloon tahay adigaa sameeyn jirey wax walboo sugnaadee Duul samo ku caan baxay Saatirkeey ma rogayee siliciyo rafaad kii sabab teena weeyaan Reer samuudba waa tuu Saalax uu illaah diray markeey samaha diideen sunihiyo kitaabkii sixun loo halaagyoo waxay sababsadeen baa looga dhigay sedkoodii Sebenkaanu joognana Srilanka wax loo rogay loogu diray sunaamida waa salaad la'aantiyo sinnaday banaysteen sunnadii Illaaheey kolna suuli maysee cid kastoo san taagtana balaa lagu salidayaa Annaguna sidoo kale waxa sida tan noo galay oo saarka qorigiyo suuga la isu dhaafsaday oo saqiir wax aan garan surka looga jarayaa suuqa maydku wada yaal sabab malahan loo yiri midla sugayey maaheyn Dadkii xabad baa salfiday badh baa silicii la hadhay badh baa saxaraha ku go'ay badh baa sijnigii ka tegey kuwii soo galay qurbaha qaar baa seeg-seeg noqnoo cirbado lagu seexiyaa gabdhihii saxar diid ahaa sariigta ku caan ahaa sooryada laga dhiibi jiray surwaalo barbaa sitee kuwana sinjigeey hayaan jalaabiib beey sitaan suniyo faral baan ka tegin oowlaadana waa mid sugan soomaaliya waan arkaa dadkuna waa silicsanyahay inaan siinleey qoriyo suugaan miya ila gudboon?