Sunajiif

Ka Wikipedia

Sinujiif waa degmada ku Taal Gobolka Nugaal Waxay kamid tahay Degmoyinka Somalia waxayna u jirtaa garoowe 45km, waa tuulo balaaran oo ay hoosyimaadaan deegaano kala duwan sida dacmuumo,laasalahelay, burdheere cuun, qabaal, kalis buqtuugo sabacad burdheero iyo qalqalooc. sinujiif tuulo aad uhorumarsan oo laga heli karo adeegyada bulshada oo dhamaystiran sida caafimaadka waxay leedahay xarun mch oo weyn dhanka waxbarashada waxaa tuulada kajira iskuulo kala duwan sida dugsi hoose, dhexe iyo sare dhanka biyaha waxaa jira biyo galin xaafada kasta kujirta, dhanka korontada tuuladu waxay leedahay adeeg koronto oo habeenkii shaqeeya. tuulada sinujiif waxay kutaal deegaanka kuwanaagsan dhul daaqsimeedka, sinujiif iyo deegaanada udhow dhow waxaa kabaxa geedka looyaqaan daranta oo ah geed geelu cuno la,aantiisna uu halaabo geelu taas ayaa sababta in sinujiif noqoto halka kulmisa geelasha isaga kala yimaada dhulka hawdka iyaxda sidaa darteed sinujiif waxay caanku tahay caanaha geela oo raqiis ah. odayaasha caanka ah ee tuulada sinujiif waxaa kamid ah , cabdulaahi cismaan cabdikariin (garre), maxamuud faarax jeer (xaabbe), nabadoon axmed faarax jeer,nabadoon xirsi firato, nabadooon cabdulaahi jaamac dheere (careef), iyo nabadoon faarax cali ciise(faarax bulay. gudoomiyaasha soomaray tuulada sinujiif, cabdi geelle cali, cali gaani axmed, cabdimire guhaad faarax jeer, guray suufi gurxan. magaca snujiif waxa lagasogabshaY sun lajiif.