Talk:Godinlabe

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Godinlabe waa Degmo ka mid ah degmooyinka Gobolka Galguduud ee Maamul goboleedka Galmudug.Godinlabe Waa magaalo madaxdii labaad ee maamulkii hore Ee Ximan iyo Xeeb.Magaaladu Juquraafi ahaan waxay ku taalaa inta u dhaxaysa degmooyinka Cadaado Iyo Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galguduud. Degmadu waxa ay ka koobantahay Afar Xaafadood oo waawayn kuwaas oo kala ah Waaberi,Galbeed,Dalbile,iyo Dur-dur. Godinlabe waa degmo barwaaqo sooran ah oo hodon ku ah qaybaha kala duwan ee xoolaha, sida: Geela,Ariga,Lo,da. Sidoo kale magaaladu waxa ay leedahay ilo kale oo dhaqaale oo ay ka midyihiin warshado sida warshada Muraayadaha iyo Bulukeetiga Ee HODA Alluminium. Sidoo kale magaaladu waa halka lagu kala wareejiyo Cusbada/Milixa laga Keeno Magaalada CAMAARA waxaana loo kala qaada gobolada kala duwan ee dalka iyo dalka dibadiisa .Godinlabe Waxaa si heer sare ah uga shaqeeya waxabarashada qaybaheeda kala duwan sida Maadi iyo Diini. Sidoo kale magaaladu waxa ay leedahay goob caafimaad oo si fiican u hormarsan taas oo ay gacanta ku hayso hay,ada SAVE the children.Godinlabe waa magaalo ku caan ah Nabad iyo hormar jacayl, waxaana laga garan karaa sida ay dadkeedu isugu xiranyihiin oo ay u wada shaqaynayaan dhamaantood si wada jir ah.sidoo kale magaaladaan waxay leedahay deegaan ballaaran oo ku xiran degmada. Degmadaan waxay leedahay amni la isku halayn karo waxaana Saldhig wayn ku leh Ciidanka booliska Maamulgoboleedka Galmudug kuwaas oo si buuxda u jooga dhamaan xaafqdaha kala duwan ee degmada.