Talk:Jubba raas state

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Somalia] Jubbada Hoose jubba raas state


M/weynaha Jubba Raas State oo London lagu soo dhaweeyay. +MUUQAALO View :298

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubba Raas State ayaa si weyn waxaa loogu soo dhaweeyay magaalada London ee xarunta UK.

Xogta Media, waxey idiin soo gudbineysaa Muuqaalo ka turjumaya sida loogu soo dhaweeyay London M/weynaha Maamul Goboleedka Jubba Raas State.

DAAWASHO WANAAGSAN

Waxaa xalay fiidkii oo taariikhdu ku beegneyd 08-01-2011 Magaalada Stockholm ee dalka Swedan lagu caleemo saaray Madaxweynaha Maamul Goboleeda Jubba Raas State Mudane ing;C/qaadir Maxa,u Yuusuf iyadoo ay isgu yimaadeen marti sharaf aqoon yahano jaaliyado culumo,udiin haween dhalinyaro dadweyne aad u fara-badan oo DIbada uyo gudahaba isaga yimid

">Jubba Rass State

Maamulkaan lagu dhawaaqay ee Jubba Raas State ee Gobalada koofur-soomaliya ayaa in mudo ahba la sugaayay ku dhawaaqistisa iyadoo wadatashiyo iyo qabanqaabo ka dib ay suurta gashay in xiligaan kagu dhawaaqo

Xafladaas oo loo soo agaasimay si heer sare ayaan halkaan lagu soo koobi karin waxyaabihii lagu soo bandhigay sida qudbooyinka heesaha buraanburada gabayadda iyadoo ugu dambeyntii Madaxweynaha Jubba Raas State Qudbo qiima badan oo dhinacyo badan taabaneysa iyo howlaha horyaalaba ka jeediyay iyadoo loo riyaaqay oo kasoo qeybgalayaashii iyo shacabka jubooyinkaba ka codsaday ineey si wadajir ah ugu caawiyaan howlaha loo doortay ee laga sugaayo

Balse waxaan idiin ballan qaadeynaa Hadaan nahay bahda Geesguud .com saacadaha soo socda inaad u daawan doontaan qaabkii quruxda badnaa ee ay xaflada u dhacday oo video aad ka bogan doontaan insha-allaah



Aarannews (Stockholm) Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 11/January 2011 lagu qabtay xaflad ay dad badani isugu yimaadeen caasimada Sweden ee Stockholm .Waxaana Xafladaas lagu caleemo saarayey Madaxweynaha Maamul goboleed cusub oo lagu magacaabo JUBA RAAS STATE. Xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u badan. Waxaana xafladaas ka hadlay dadkii ka soo qaybgalay sida: Aqoonyahanada,Haweenka, odoyaasha iyo dhalinyarada. Waxaana xafladaas lagu caleemo saaray Madaxweynaha Maamul goboleedka Juba Raas State ENJ.C/Qaadir Maxamuud Yuusuf (Burgal).

Madaxweynaha Juba Raas State oo halkaas ka hadlay caleema saarkiisa kadib ayaa balanqaaday in uu la imaandoono waxqabad dhab ah. Waxa uuna balanqaaday in uu tagidoono halka maamulkiisu ka shaqayndoono degmooyin ka mid ah koofurta Dalka Soomaalia.

Waxaana dad badini isweydiinayaan sida ay maamulo lagu dhiso dalka dibadiisa ay si toos ah uga shaqayndoonaan dalka Soomaaliya gudahiisa oo intiisa badan ay ka taliyaan Xoogaga hubaysan ee Alshabaab.

Waxaase looga fadhiyaa maamulkan cusub in uu ka mira dhaliyo balanqaadkiisa, hadii kale waxa uu ka midnoqonayaa Maamulo farabadan iyo Madaxweyneyaal farabadan oo aan dhaafin halkii lagu caleemo saaray.




+ http://www.aarannews.com/?attachment_id=18759 + http://geesguud.com/gs/index.php?option=com_content&view=article&id=2093:maamul-goboleeda-jubba-raas-state-oo-loogu-dhawaaqay-stockholm-swedan&catid=1:latest-news&Itemid=18