Ugaas Cilmi Ugaas Warfaa

Ka Wikipedia

Ugaas Cilmi Ugaas Warfaa oo bah ahaan la dhashay Ugaas Magan ugaas warfaa, Wuxuu wakhti ahaan kasoo jeedaa dhexdhexaadkii 1700. Taariikhda Ugaas cilmi wuxuu Ka taliyay dhulkan loo yaqaano Qoraxey. Ilaha xaqiiqdan oo ku kala qeybsan Geography ahaan Qoraxey intey loo yiqiin waagaas iyo maanta, waxaan isku daynay inaan sii ogaana, anagoo ilo kooban ka heyn in Ugaas cilmi fadhiisan u aheyd dhulkan Togga Faafaneed marro ee ah Birqod, Sheygoosh, Xudureyle, laas-dhankayre, ceel-ogaadeen Iyo Qabridahare oo xiligaas daaqdin iyo ceelbiyoodba ahaa keyn reer ugaas cilmi, Dadka taariikdha ugu jira Qoyska ugaas cilmi waxaa ka mid ah Siyaasiin, Culimo, Aftahamo, Dagaalyahamo. Sida Xuseen Hudle Xasan, Yuusuf Cilmi Xirsi (Dhoonyacab), Faarax Cabdi Guuled (Faarax Caytame), Aw-Aadan Aw-Xuseen Cali, Yuusuf Cali Xirsi (Aw Yuusuf Barre) , Cilmi Raage Cilmi, Kormajaan iyo Feetin, Sheekh Yuusuf-Dubbad, Axmed Gubadle, Faatule, Derbi Sheekh Yuusuf, Tarrax.

Taarikhda wixii udhaxeeyay 1700 ilaa iyo bilowgii 1800 yaa mugdi gashay, guud ahaan soomaliba. waxaa kaloo jiray Geed la odhan jiray " Gobkii dooxa weyn" oo u carisgaas ahaa geedka reer cilmi ku kala tala qaato, sida ka muuqata erayadii cilmi raage allaha unaxariistee wuxuu yidhi " Gangan iyo Gafuurkii hadhiyo, faafan gudaheeda, Galadiid Goobkii Dooxa weyn, Goray meeshiisa" Dib aan ugu laabano sababta aanu u magacownay Geography'ga Qoraxey. Sababtu waxaa weeye in ilo lagu kal sooni qabo iyana tilmaaneen in taliska Ugaas magaan uu ahaa Ciid Iyo Doollo. Nasiib daro owgeed doollo maanta hooyga qoraxey ma,aha, sida uu gumeysiga dhulka Ogadenia ukala qeybiyey owgeed. Laakin nasiib wanaag Ciid yaa Maanta ka mid ah Dhulka loo yaqaan Qoraxey. Cilmi Family ahaan 12'kiisii wiil maanta waxaa ka joogo, Xasan Ugaas Cilmi, Boon Ugaas Cilmi, Kud-Cadaawe Ugaas Cilmi, Xirsi Ugaas Cilmi, Kooshin Ugaas Cilmi, Wacays Ugaas Cilmi, Liibaan Ugaas Cilmi, Faarax Ugaas Cilmi, Warfaa Ugaas Cilmi. inkasta oo aan aad u yara sida u walidkay i shegay waxa u ahaa ugaasku calim aad u cilmi badan kolki u ugaasku dhintayna waxa la i tusay geed layiri wa lagu maydhay ugaas oo ku yaala meel u dhaxaysa duudka xalal go (xero dariiqo) iyo duudka gambadh xeo dariiqo waxa loogu bixyey waxan maqalay waxa ay ahayd meel culimo badan oo diinta si xoog ah loogu barto culimada halkas joogi jiray waxa ka mid aha sayid salaah ( sayid saafi) sayid siraad sayid sadiiq oo ahaa ilmo sayid axmed sayid cabdiwahaab kana so jeeda hashimi ama ilmo sayid husen sayid cali sayid cabdiwahab waxa u aha ninki hayey kacbada ama imamka makka ahana qadigii makka reer sayidka waxa dhalay dhamantood reer warfaa ilmo sayidka wa mesha u magca ka so qatay sayid mahamed abdulle hasan waa ninki wax so baray sayid axmed ama sayid mahamed salaah oo ku asan (ciin ) waana kii laha sayid mahamed cabdule hasan

Aw Yuusufow eray yar baan, ku erginaayaaye

Hadduu Eebbaheey kuu idmood, ururta weyn gaadho Ikhwaanow adkee xaajadaan, kugu ammaaneystey

Ku ansixi halkii aan ku idhi, aadna ugu fiirso Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg, nimanka Iidoora Ogaadeen haddaan ahay dad, wow amar sareeyaaye

Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashimiye Abtirsiimadey waxay gashaa, odayo waaweyne Halkaan ugu arooraana waa, odayga Daaroode

Rasuulkii udgoonaana waa, ina-adeerkay e (csws) Sayidkii Axmed ahaana, way awow runna ahee Ibraahiin Rashiid aabbahay, odaygii weeyaane

Asaxaabihii oo dhan baan, ehel wadaagnaaye Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanaayaye Nin Amxaara mooyee intii, edeg adduun joogta Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu kharykiiye Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanaaya